Connect with us

somalilandtoday.com

Faysal Wuxuu Brussels Kasoo Dhegadheeyey Inaan Somaliland Ictiraaf helayn Somaliyana Dawlad Ku Meel Gabadha Dhaaf I Karin

Articles

Faysal Wuxuu Brussels Kasoo Dhegadheeyey Inaan Somaliland Ictiraaf helayn Somaliyana Dawlad Ku Meel Gabadha Dhaaf I Karin

FAYSAL Cali Waraabe iyo dad kale oo madaxi waxay ka dhex ceeshaan Dawladda Somalia een intay Somaliland ka maqantay aan dhaafi karin Dawlad ku meel gaadha waayo dhabarka as ayaa ku xidhan Somaliland na Ictiraaf ma sion karto dawladda ku meel gaadha ah een Dawlad buuxdaa oo Somaliyoo dhan ka dhexeysaa aan ahayn. Taasi waxay bannaysay inay khaayimal wadanka Faysaloo kale ah inuu ku dhex jiro karo oo labada dhinacba wax ka leefleefa. Waxuu a caddeeyey inuu sharcigii Somaliland shaqaynayn oo Baarlamaanku sharci ku joogin, Guurtidu sharci ku joogin, Doorashadu sharci ku joogin, Gudoomiye musharaxnimadiisii sharci ahayn, markaa wuxuu (between the lines) hoosta ka xariiqay bal sharciga

ina wada geeya haddii xaq la qaado waa la wada xidhmayaa haddii kale waa sidaa nolosha wadanka iyo maamulku. Waxa JOOGA in Suldaan hadal ku xidhan yey Suldaanna la sii daynaayo wax kasta hadduu sameeyo. FAYSAL Ali Waraabe wuxuu carrabkiisii dalabta la Haa ku yidhi ‘DAMEERI ISKU HALAYN BAY HOOYADEED DABADA UGA NUUGTAA’ ANIGIYO KULMIYE WAA IS OGNAHAY CID I XIDHAYSAA MA JIRTU. arintayadu waa Riwaayaddii Qooto Qooto iyo Sooraan iyo Jowaan.

Somalia Somaliland Bay u dabrantay, Somaliland na Somalia Bay u dabrantay midna gaadhigeedu ma dhaqaaqayo. Waxyaalahan socda oo dhami waa mashaariic TUKA-RAQ waa mashruuc, CEEL-AFWEYN waa mashruuc, Berbera Dekedeedu waa mashruuc, maamulada Somalidu waa mashaariic anaguna darawaliintii baa u nahay ee ha ku dali a Somaaliyey.

Haddaad khudbaddii Faysal uu dadka suuqa ugu khudbadaynayey la dhegaysto oo distoorkii iyo Dawladdii Somaliland meel ka dhac ku sameeyey aan Somaliland sidan ku meteli karin, waxaanuu ku soo gebagebeeyey inaanuu cid a ka talo qaadanayn meeshuu doona a arinta Somaliland. Faysal berri hore ahayd in maxkamad la soo taago oo dembiyadiisa lagu oogo isagu na ha is difaaco.

MBashe (Meerkat)

qoranebashe@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top