Connect with us

somalilandtoday.com

Ka Daaya Cadibaada Caruurta:

Articles

Ka Daaya Cadibaada Caruurta:

Marka hore waan salaamayaa dhamaan bulshada Somaliyeed meel kasta oo aad kala joogtaan, maqaalkeena maanta waxa uu ku saabsan yahay cinwaanka kor ku xusan.


Muwaadin, hoos ma u eegtay dalkaaga, dadkiisa mase ka fekertaa dadka jilicsan ee wadankaaga ama muslimiinta ah, ee wadankaaga.
Hoos ma u eegtaa caruurta yar yar ee darxumaysan ee ku jirta nolosha adag ee iyagu iskoriya hadday doonaan waalidkoodba ha noolaadaane, sida tusaale ahaan baalash layaasha, kuwa gawaadhida maydha ama kuwo lagu xamaasho iyagoo waliba aad u yar yar, mase ogtihiin dulmiga ka dhalan kara haddii ilmaha yar yar la cadibo lana dhibo oo culays aanay qaadi

karin loo gaysto.
Waxaan idiinka sheekaynayaa qiso yar oo naxdin leh runtii oo aan kula kulmay magaalada hargeisa.

Anigoo maraya ninkii garanayaa wuu garanayaaye halka ay ka baxaan basaska idaacada iyo xero awr, ee u dhaw nasiiba ice cream ee hargeisa, ayaa waxaan arkay ilmo aad u yar oo da’diisu tahay 11 jir, wuxuu ahaa baalashle oo daasad yar oo baalashku ugu jiro ayuu ku fadhiyay, wuu oynayay, oohintu sii kala xune, mid murugo leh oo runtii diifteedu ka muuqato hadana uu wax qarsano ayay ahayd, iyadoo qofkii damiir leh ee arkaa ama ilnaxariisle ku eegaa uu dareemi karayo cidhiidiga uu ku jiro ilmahaasi, indhuhu way casaadeen, dhabanadana wuu haystay isagoo aad u yar, waxaad runtii dareemaysay in uu wax badan ka fikirayo oo shaqada maskaxdiisa iyo da’diisu kala wayn yihiin.

Waan dhaafay, inyar markaan socday ayaan dib ugu soo noqday waxaanan waydiiyay adeer maxaa ku helay ee aad la ooyaysaa?

Isagoo hadalka ka soo baxayaaba dirqi yahay ayuu igu yidhi adeer nimankaas ayaa igu shaqaystay oo ilaa saaka anigoon quraacan ayay igu xamaalanayeen oo alaabta halkaa taala igu yidhaahdeen noo rasee, laakiin markii aan dhameeyay lacagtii bay ii diideen oo waxay igu yidhaahdeen war soco garac yahaw, xitaa waxay iga jeediyeen intii aan baalashkayga ka shaqaysan lahaa.

Markaad aragto ilmahaa waxaad dareemaysay in uu culays badani saaran yahay hadana cid aan ilaahay ahayn oo uu u cawdaa aanay ka agdhawayn, xoog uu ku ciil baxo oo uu wax iskaga celiyana aanu haysan oo aad u yar yahay.

Runtii talaabadii aan ka qaatay arintaa imika waxba halkan ku soo bandhigi maayo laakiin bulshooooooooy caruurta jilicsan hoos haloo eego oo halayska ilaaliyo dulmina yaan ubadka laga galin aadka u yar yar ee duruuftu hayso, fadlan halaga daayo hagardaamada, in la riixriixo ama xaq uu leeyahay laga duudsiyo.

Haddii adigu ilmahaaga aad saaka guri dugsoon kaga timi isagoo hurda, ogow qaar kuwaaga la mid ah oo dhaxanta karaatoon ku seexdaa inay jiraan ilaahayna aanu u waayin laakiin ay tahay imtixaan laysku eegayo.

Haddii adigu aad saaka soo dhargisay oo quraacisay islamarkaana iskuul u dirtay ogow qaar badan baa jira oo gaajo la daalaa dhacaya islamarkaana aan iskuul tagayn ee baalash iyo wax la mid ah noloshu ku kaliftay.

Fadlan qoraalka waan dheereeyay laakiin akhristoow u dhug yeelo waayaha aduunyada, laga yaabaa ka maanta noloshaa ku jira ee xaqiisa la duudsiyayaa inuu bari noqdo madaxwaynaha dalka oo ilaahayba u qadaree adiguna aad baahi ugu tagtaaye.

Qore: Cabdicasiis Muxamed Maxamuud

Tel: 063 3803846

aziiz9000@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top