Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Amniga Soomaaliya Oo Xalay Gurigiisa Kala Baxay Agaasime Wasaaradeed

focus

Ciidammada Amniga Soomaaliya Oo Xalay Gurigiisa Kala Baxay Agaasime Wasaaradeed

(SLT-Muqdisho)-Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa xalay gurigiisa kala baxay Agaasime Wasaaradeed oo ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan in Ciidamada ayaa guriga kala baxay agabyo ay ku jiraan Computor, iyadoo arrintan tan iyo xalay si aad ah looga hadal hayay degmada Waaberi oo uu deganaa Agaasimaha.

Warar aan ka helnay hoggaanka dambi baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha lagu soo eedeeyay arrimo musuq maasuq.

Sidoo kale waxaa la sheegay in loo heystay inuu lunsaday lacag $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celisay in ay ka go’an tahay inay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa, inkastoo aanay horay u dhicin cid loo xidhay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top