Connect with us

somalilandtoday.com

Abeey Axmed … Dayax Soo Baxay Habeen Madoow!!.. Tolow Se, … Reer Xamarka Ninkaasi Oo Kale Ma Ka Soo Bixi Doonaa?

Articles

Abeey Axmed … Dayax Soo Baxay Habeen Madoow!!.. Tolow Se, … Reer Xamarka Ninkaasi Oo Kale Ma Ka Soo Bixi Doonaa?

Raysal Wasaaraha cusub ee dalka itoobiya,,,,waxa uu noqday Dayax soo baxay habeen madoow oo qudcur ah,oo dadka oo dhammi waxba arkayn…baqashana u dheertahay…rajadiina bari horeba dhimatay. Dr.Abeey Axmed…waa rajo timid oo aan la filayn baryahan,kana soo baxay dal aan laga fileyn in uu ninkaasi oo kale ka soo baxo.ninkani isaga oo da’diisu aad iyo aad u yartahay,ka soo jeeda qoomiyadda la dhibay ee inta badan korka lagaga fadhiyey…oo ay ahayd in ay iyana markoodii qoorta wax kaga fadhiistaan,oo ay cadaabaan,dadkii tirada yaraa ee inta badan,xuurtada aan naxariista lahayn ku hayey. Ayaa waxa uu sameeyey wax adduunka oo dhan ka yaabiyey..oo ahaa,,,,Niyad wanaag iyo saamaxaad iyo in la bilaabo

bog cusub oo ay leedahay itoobiya.Digtoorku wax wakhtiya ama fursad ah, ma lumin,wax lixdan sano lagu qaban waayey,ayuu ku qabtay..lixdan cisho!!! Waa qiso layaab iyo cashar ka barasho ku jirto.Xafladiisii xilka uu kula wareegaayey waxa uu markiiba ku sheegay in uu ka shaqeynaayo sidii la iskugu keeni lahaa..dadka itoobiya…loona heshiisiin lahaa….waxa uu muujiyey ama uu diray fariin niyad-wanaag,oo aan looga baran dalka itoobiya oo gacan iyo rasaar bir ahi,ka shaqeyn jirtay…waxa markii ba uu ku dhaqaaqay in uu dadka ka saaro cabsida ay ku soo koreen iyo baqasha iyo xadhiga geerida ee ay ku caano maashay itoobiya…..waji cusub iyo bog cusub oo cad ayuu bilaabay….waxa uu jabiyey Dayrkii-cabsida(The fear Gate)…waxa uu caddeeyey in uu la heshiinaayo dalka elatariya ee ay colaadu mudada dheer soo kala dhextaalay…..Mujaahid Abeey..Axmed..isaga oo ka faa’iideysanaaya fursadda qaaliga ah, ee uu ka helay dalkiisii itoobiya…iyo awoodaha dawladnimo ee uu ku guuleystay..ayaa markiiba waxa uu sameeyey isbadaladan:
1-Xaaladdii deg degga ahayd oo dalka laga qaaday.

2.Dalka elatariya oo uu la heshiiyey.

3.Maxaabiistii oo uu jeelashii ay ku silcayeen ka soo daayey oo uu oodda ka soo qaday.

4.Booshaqooyin uu ku tagay dalalka jaarka ah iyo gobolada dalkiisa.

5.Xilal ka qaadis uu sameeyey.

6.Elatariya oo uu mar qudha ka dhex toosay oo uu booqasho ku tagay.

7.Madaxweynaha elatariya oo uu ku casuumay dalkiisa oo uu ku qaabilay.

8.Diyaaraddii itoobiya oo uu amar ku siiyey in ay dadka u dalxiis geyso dalka elatariya oo xidhiidhkii duulimaadyada uu soo celiyey.

Iyo arrimo kale oo muhiim ah,oo uu ku tallabsaday….caalamku imika waxa uu aad iyo aad ula dhacdsanyahay wiilkan yar ee dalkii itoobiya ee madoobaa…ka soo ifbaxay oo ku dhaqaaqay arrimaha mucjisada ah.Calamku waxa uu imika ku tiriyaa,Raysal wasaaraha itoobiya in uu yahay ..Mandeelaha labaad ee Afrika ka soo baxay……hadaba,Su’aasha aan doonaayo in aad weydiiyo dadka Soomaalida ahi, waxay tahay….reer Muqdisho ama Beesha Hawiye ma ka soo bixi doonaa ..wiil dhallinyar ah,oo ay ku jirto niyadda fiican ee ku jirta …Dr.Abeey Axmed…oo .inta uu xilka Soomaaliya qabsado….qaata gu’aankaasi uu qaatay ee uu elatariya ku fasaxay dhulkii ay ku daagalameen,ee hadana,uu ku tagay magaalada Asmara…Wiilkaasi Soomaaliyeed …ma ka soo dagi doonaa…Hargeysa…oo ma ku dhawaaqi doonaa….Aqoonsiga Somaliland oo sidaasi Abeey uu u dhammeeyey sheekadii naxdinta iyo jaar xumada iyo walaal xumada, ahayd ee ka dhaxaysay ;itoobiya iyo elatariya, ma u dhammeyn doonaa..sheekadan la mid ka ah,ee ka dhaxaysa ..Somaliland iyo Somalia!!!!???? Waa su’aal da’weynoo ..Soomaali Jawaabteeda laga sugaayo!!!!

Qore:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari)

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan School for English!

Email:aragtiwanaagsan@gmail.com

Facebook:abdiazizyonis.

Tell: 063 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top