Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeneey U Dhalatay Dalka Japan Dhinaceeda Dhulka La Dhigi Waayey

focus

Haweeneey U Dhalatay Dalka Japan Dhinaceeda Dhulka La Dhigi Waayey

Soddon sano ka hor ayay ahayd markii ugu horraysay ee haweenayda lagu magacaabo Yuko Fujii, ay dalka Japan kaga qayb gashay ciyaarteedii ugu horraysay ee lagdinta ragga ee Judo, waxaana markaas afka ciidda u daray wiil yar, wixii intaas ka dambeeyey waxay go’aansatay in aysan mar dambe ka qayb galin lagdinta.

Maanta waxay dhigtay taariikh, waxayna noqotay haweenaydii ugu horraysay ee tababare ka noqota ciyaarta lagdinta ragga ee Brazil.

Intaas waxaa dheer in ciyaartani ay tahay mid murqaha la isugu faano oo ragga uun ay ciyaaraan, haweeneey in ay tababare ka noqoto barnaamijka Judo ee lagdinta ragga ayaa ah wax aan la malaysan Karin.

Ciyaar xirfadeedka qaarkood, uma badna in haweenku ay maamulaan kooxaha haweenka, inta badanna lama maqlo haweeney laylinaysa kooxo rag ah.

Sidaas darteed magacaabista Yuko ma ahayn mid la filayey, waana tallaabo lasoo dhaweeyey oo ay haweenku horay u qaadeen, maahan oo kaliya ciyaarta lagdinta ragga ee Judo balse sidoo kale guud ahaan cayaaraha.

Yuko Fujii,Image captionYuko Fujii,

Inta badan dumarka reer Brazil waxay faquuq kala kulmaan cayaaraha, tusaale ahaan kubadda cagta oo ah ciyaar si wayn caan uga ah dalkaas, dumarka dhaqan ahaan ma helaan dhiirri galin ku aaddan ka qayb qaadashada cayaaraha, mana helaan tixgalin badan cayaaryahannada dumarka ah ee caanka ah sida Marta Vieira da Silva.

Haweeneeydii kaliya ahayd ee waligeed tababare u noqoto kooxda haweenka qaranka ee Brazil waxaa shaqada laga eryay ayadoon joogin wax ka yar sanad, cayaartoyda oo ku gacan sayray awgeed.

Xiriirka cayaarta lagdinta Judo ee Brazil ayaa ku rajo wayn in tallaabadani ay qayb lixaad leh ka qaadanayso in arrintaas wax laga baddalo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top