Connect with us

somalilandtoday.com

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa

focus

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa

(SLT-Capetown)-Labo dhalinyaro Soomaali ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in lagu dilay xaafaddaha isku raranka ah ee galbeedka magaalada Cape Town dalka Koonfur Africa sida laga soo xigtay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa.

Dhalinyarada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow oo xalay la dilay, sidoo kalana waxaa la dhaawacay saddex dhalinyaro Soomaali ah gudaha magaalada Cape Town , kuwaa oo dhaawaca kaddib laga qaaday hantidii dukaanka u taalay.

Dilalkan ayaa lagu waramayaa in ay geysanayaan burcad madow South African ah, kuwaa oo la sheegay in ay u socdaan koox koox, qaarkood-na isku soo ekeysiiya dad macaamiil ah oo doonaya in ay dukaamada wax ka iibsadaan.

Ma jirto wax tallaabo ah oo ay dowladda Koonfur Africa ka qaaday kooxahan dilalka iyo dhaca u geysanaya ganacsatada Soomaaliyeed , inkastoo marar badan oo hore saraakiisha Amnigu sheegeen in ay wax ka qabanayaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top