Connect with us

somalilandtoday.com

Iska Dhaaf Gudomiye Faysal Iyo Prof. Cali Khaliif Waa Waajib Sababahan Dartood … Dr.Khadar-Libaaxley.

Articles

Iska Dhaaf Gudomiye Faysal Iyo Prof. Cali Khaliif Waa Waajib Sababahan Dartood … Dr.Khadar-Libaaxley.

Laba nin oo wallaalo ah ayaa abuurta illaahay darteed midi bakhayl damac badan ahaa ka kalena nin qalbi wanaagsan ahaa balse hoose iskumay dabci aqoon wallaalahani waayo waxa ay ku kala koreen laba deegaan oo kala gedisan , mid meel magaalo ah ayuu ku korey oo reerka , caruurta iyo xooluhuba u yaaleen; ka kalena meel kayn biyo badan ayuu ku korey oo reerka, caruurta iyo xooluhuba u yaaleen; waxa dhacday oo baryaha taariikhda soo martay in labada nin kii magaalada xoolaha ku haystay in uu is-yidhi ( “ waar meesha magaaladan malaha xoolo kuugu dhaqmi kari maayaane ka xee xoolaha oo u gee

wallaalkaagii yaaley kaynta biyaha badan ” ) sidaasna uu ku go’aan qaatay tilmaan iyo wax-sheeg waxa la haa sabankaa in labada nin ka magaalada yaaley xoolo badnaa ; ninka damaaciga ah oo xoolo yaraa xilligaa aad ayuu uga caga jiidayey in xoolahiisa iyo xoolaha wallaalkii isku darsamaan oo wuxu bidayey gaarnimadiisa in ay ugu badinayso waayo nin hawl iyo iskaashiga neceb ayuu ahaa ; markii ninka wanaagsani xoolahiisa soo tubay muu odhan ( “ wallaal waa kuwan xoolahaygii dhaq oo aan wada munaafacaad sano , hadaad dhiqi kariweydo duruufo kula soo gud-boonaada dartood waan kuu fududeyn in aan dib kaala noqdo xoolahayga ” ).
Mudo ka dib ayaa ninkii wanaagsanaa ee magaalada yaaley is-yidhi “ xoolahaagii bal dheef aad munaafacaad sato wallaalkaa ha kaaga soo diro, oo uu u qaylo dirtay ”.

Yaab iyo amakaaga dhacay, ninkii damaaciga ahaa ee xoolahiisa iyo xoolaha wallaalkiiba hayey wuxu ugu jawaabey dalabkii wallaalkii (“ waar afka laydha ka qarso, xoolahan adeer nin dhaqday baa leh ” ) ninkii wanaagsanaa ciil iyo cadho weyn ayuu ka qaaday duudsiga uu wallaalkii kula kacay, taa falcelinteediina waxa uu ku qaaday guluf colaadeed oo ku gubey gurigii , raaskii iyo buul-cawskii uu damaacigu ku jirey haba gubo oo dulmi diid ayuu ahaa ninka wanaagsani balse umey suura-galin in uu ku guuleysto in uu soo ceshado xoolahiisii oo wali waxa haya oo dhaqda ninkii damaaciga ahaa ee ay wallaalaha ahaayeen.

Ninkii wanaagsanaa bartii uu yaaley iyo magaaladii ayuu iskaga soo noqday isaga oo fara-madhan oo aan waxba haynin.

Tallo aduun ayaa ku caddaatay, fadhina uma yaalo oo uu fara-madhan yahay , miciin iyo macnaba wuxu biday in uu tago reeraha dariska iyo waliba reerkii fogaa ee horey xoolaha u siiyey; ninkan wanaagsani reer walba oo uu u tago waxa uu weydiinayaa shayga uu ugu baahi badan yahay oo ah ( xoolo uu dhaqdo oo ay ku hoos noolaadaan dadkiisu ) balse nasiib darada jirta reerkasta oo uu albaabka ku garaaco oo uu xoolo weydiisto si fudud waxa ay ugu jawaaba yaan ( “ horey ayaa xoolo laguu siiyey, xoolahaagiina wallaalkaa ayaa kuu haya, wallaalkaa la hadal oo ka doono xoolahaagii ”).

Wallaalkii damaaciga ahaa xoolihii oo dhan isaga ayaa haysta, gurigii gubtayna dib ayuu u xaadh-xaadhayaa oo dhisme cusub ayuu ku wadaa isaga oo cadho maligan , hanjabaya oo ka cadheysan gurigii wallaalkii ka gubey.

Nasiib darada ugu weyn iyo faham la’aanta jirtaa waxa ay tahay ( illaa 27 sano ee u dambeeyey ninka wanaagsan iyo caruurtiisuba waxa ay la soo taagan yihiin luuqad aan ka farxinaynin damaaciga xoolaha haysta taas oo biyo dhaceedu isugu soo ururayo waanigii gurigaaga gubey dhanka damaacigana ku ah sarmo nabar dhiig ka da’ayo ama boog ay tahay in laga qariyo dareensiin teeda).

Isweydiinta in la fahmo u baahan waxa ay tahay:

1.Horta ninka wanaagsan iyo wallaalkiisa damaaciga ah keebay xoolo ka maqan yihiin oo tahey in uu raadiyo waxa ka maqan ?

2. iyada oo ninkii damaaciga ahaa ee xoolaheena haystay xamar soo fadhiyo miyey tahay in aynu ka gaabsano ama ka doonan kariweyno xoolaheena ?

Gabagabo :

Waxa aan ku tallinayaa in wax-weyn la badalo indhihii iyo shaxdii hore ee ku jihaysnayd wallaalkeena damaaciga ah ee xoolaheenii haysta iyada oo ay tahay in la isticmaalo dhinac walba siyaasad nabadeed ( peace policy ) waliba dhanka hadalka iyo ficilka ; waayo horaa loo yidhi af-xumo colaad wax kama tarto nabadna wey kaa fogeysaa, Xaqiiqatan ninka wanaagsan fadhi uma yaalo waayo xoolihiisii waxa haysta damaaciga duudsiga yaqaan ee ay wallaalaha yihiin.

sax waxa ah in lala kulmo , madaxdeenu xamar ugu tagaan iyaga laftoodana aynu u ogolaano in ay hargaisa inoogu yimaadaan ; waxa inala gud-boon in aynu u muujino dareen iyo ficil kaabis iyo dhisid u ah xukuumada xamar iyo maamul goboleedyadeeda intaba waayo wallaal yeelkii ayaa lagu dhaqaa; inaga oo ay tahay in aynu hormuud ka noqono arinkaa ciyaar wanaaga ah murtiduna xisaabsantahay dhayme iyo dhayida dhan walba wixii dhacay oo aan uga gol-yeelano ( qadiyada xoolo la soo noqoshadeena= cuud iyo cisiga calanka ama ka helida madaxbanaani buuxda dhanka xamar oo aan kaga iibsano hab nabad iyo isdhexgal fur-furan ku dhisan oo aynaan marnaba lumineyn teena ).

Aragtidani waa fursad mudan in xukuumada iyo shacabkeedu ka midho dhaliyaan; waftigii horey garoowe u tagey iyo kulan kii gudoomiye fasal cali waraabe iyo prof. cali khaliif galeyd ay kula kulmeen magaalada brusscelis madaxaweynaha somalia maxamed c/laahi farmaajo labadaasiba noqdaan dadaalo iyo ceelalyo hordhac ah isku soo dhawaasho , isfahan iyo istaageersi kala gurasho ku la dhantahay imika iyo wixii ka dambeeyana xidhiidhku halkaa haka siisocdo insha’allah.

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top