Connect with us

somalilandtoday.com

Hesshiiska Imaraadku Gadhwadeenka Ka Ahaa.

Articles

Hesshiiska Imaraadku Gadhwadeenka Ka Ahaa.

La yaabi maayo somali waxa maamula kuwii uu xabashigu inta ay dilaan iyo inta laga diloba uu iyaga oo arkaya isugu dari jiray ee uu odhan jiray total ka somali ka dhimatay.

Shalay wax lala yaabo ayay ahayd In la yidhaahdo Eritrea iyo Ethiopia ayaa heshiinaya. Way se dhacday In ay heshiiyaan. Laakin waxa wax lala yaabo ah ninka somaliga ah EE inta uu in yar oo somali ah meel ku xidhay sheeganaya madaxweyne isaga oo aan gobolka ku xiga gaadhi karin.

Maanta dad baa qoslaya laakin anigu waxa aan u baqayaa Djibouti oo halis ku jirta. Waayo? Emirates iyo USA waxa ay isku deyayaan In ay dagaal iyo xasilooni darro ka ridaan iyaga oo Eritrea adeegsanaya.

Waan hubaa in Djibouti maanta ay garanayso qiimaha ay midnimada iyo dadka badani leeyahay iyo baahida ay u qabto ummad somaliyeed oo ay ku tiirsato. Laakin rajadaas maanta way yar tahay.

Hadda qaarkeen ha qosleen qaarna ha ooyeen laakin maalin baynu wada ooyi doonnaa inaga oo aan waxba qabsan karin.

Ahmed Nuur.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top