Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Oo Ka Hadlay Bandhigga Buugaagta Ee Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa

focus

Farmaajo Oo Ka Hadlay Bandhigga Buugaagta Ee Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray qaban-qaabiyaasha bandhigga buugaagta ee magaalada Hargeysa oo maalinkii Afraad ka socota isla magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu si gaar ah hambalyo ugu diray wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamed iyo Jaamac Muuse Jaamac oo ah qaban-qaabiyaasha carwada.

“Waxaan bogaadinayaa qabanqaabiyeyaasha, bahda suugaanta iyo qalin-maalka ka qayb-qaadanaya bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin Af, Dhaqan iyo Suugaan hodan ah oo ay tahay inaan ilaashanno. Hambalyo Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamed” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top