Connect with us

somalilandtoday.com

Xubno Ka Tirsan Boko Haram Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Dalka Niger

focus

Xubno Ka Tirsan Boko Haram Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Dalka Niger

(SLT-Niger)-Ciidammada militariga ee Niger ayaa sheegay in ay dileen 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, kadib markii ay dagaalyahanada Boko ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaaala koonfur Bari ee dalka Niger.

Warsaxaafadeed ay sabtidii soo saartay wasaaradda Gaashaandhiga ee Niger ayaa lagu sheegay in weerarkan uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Baroua oo ku taala koonfurta xuduudka ay wadaagaan dalalka Niger iyo Nigeia ayna ku dhinteen ilaa 10 dagaalyahan oo kamid kooxda Boko Haram.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkan ay ku geeriyoodeen labo ka mid ah ka ciidanka amaanka ayna ku dhaawacmeen afar askari oo kale,waxaana ay sheegtay in ay ku raadjoogaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Horaantii bishan ayay aheyd markii ugu yaraan lix askari oo Nigerian ah ay ku dhinteen weerar isla saldhigan ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top