Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasiga Shacabka haga ee shacabku ma haggo siyaasiga”…W/Q Barkhad-Ladiif M. Cumar

Articles

Siyaasiga Shacabka haga ee shacabku ma haggo siyaasiga”…W/Q Barkhad-Ladiif M. Cumar

Dadku waxay badankoodu aaminsan yihiin inuu Faysal Cali Waraabe gaadhay darajdda ugu saraysa yiqiinta Somalilandernimadda, waana sababta reer Soomaaliya inta badan u hadal hayaan inay qanjaha ka gaadhay ku dhegsanaanta Somalilandnimadda, taasina waxay sababtay in baddi reer Somaliland uga shakiyin qadiyadda Somaliland hadii uu xiitaa Muqdisho tago.

Faysal wuxuu doonayaa in siyaasigu hago shacabka ee aanu shacabku hagin siyaasiga, sida wararka ku helayo Faysal Cali Waraabe marka uu degay hoteel u dhow hoteelka uu shirkii Brussels ka socday waxa inta badan hoteelka

uu degan yahay ugu imanayey weftiyadii ka socday Soomaaliya oo jeclaysanayey la kulanka Faysal, waxaana u kala baratamayey kooxihii shirka isku hayey, taasina waa ta keentay inuu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo dalbado inuu la kulmo Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, Faysal wuxuu buuxiyey kaalintii wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanu hoteelka shirku ka socdo ka ugaadhsanayey safiiraddii beesha caalamka ka socday ee shirka soo qabanqaabiyey, waxaanu kulamo gooni gooni ah uu la yeelanayey beesha caalamka ee shirkan Soomaaliya wadday, taasina waa ta keentay in dhaqaalaha Somaliland gaar loogu dhigo.
Inta dhaliilaysa Faysal waa in aan caalamka iyo siyaasaddaha hirdamaya la socon, waxaanay u haysaan in shakhsi lala kulmaa Somaliland wax ku noqonayso waxaanay dadkaasi aaminsan yihiin inay Somaliland tahay beed markiiba jabi kara. Haddii Faysal ama qof kale dal dibada ah kula kulmo masuuliyiin soomaaliya ka scoda dambi maaha, shacabka waxa ku waajib ah uun inay gartaan qofkay u doorteen inuu dalkooda inuu hogo hadii qofkaasi ka leexdo jidkii waa in lala xisaabtamaa laakiin qof aan loo dooran oo banaanka joogo waxa uu Somaliland yeeli karo ayaa iska yar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top