Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Nidaamka Xisbiyada Badan Ka Hir-geliya Itoobiya

focus

Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Nidaamka Xisbiyada Badan Ka Hir-geliya Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Abiy Axmad ayaa sheegaya in Itoobiya ay khasab ku tahay in ay qaadato nidaamka xisbiyada badan si loo gaadho nabad waarta iyo horumar.

Warka Addis AbabaAbiy Axmad ayaa hadalkan jeediyay mar uu magaalada Addis Ababa kula kulmayay hoggaamiyeyaasha in ka badan 50 xisbi siyaasadeed, xilli isbadal weyn oo siyaasadeed uu ka socdo dalkaasi.

Muddo sanada ah ayaa xisbiga haya talada dalkaasi waxa uu adeegsanayay cabudhin shacab si uu u sii hayo hoggaanka dalka, waxaana mar kasta dhacayey in guud ahaan kuraasta baarlamaanka uu xisbigaasi ku guuleysto mar kasta oo ay doorasho dalkaasi ka dhacdo.

Cabudhinta iyo xadhigga kumannaanka qof ee ay dowladda ku dooneysay in ay xukunka ku sii haysato ayaanan u suurtagelin in ay ka hortago muddaharaadyo ka dhan ah dowladda oo soconayay muddo laba sano ah.

Balse tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay Raysal-wasaare Abiy, waxaa dalkaasi ka dhacayay isbadallo xooggan oo ay ka mid ahaayeen in oodda laga qaado maxaabiista u xidhnaa arrimaha siyaasadda iyo in uu heshiis nabadeed la galo dalka deriska ah ee Eritrea.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top