Connect with us

somalilandtoday.com

Labo Qof Oo Dhintay Iyo 15 Kale Oo Ku Dhaawacantay Toogasho Dalka Canada Ka Dhacday

focus

Labo Qof Oo Dhintay Iyo 15 Kale Oo Ku Dhaawacantay Toogasho Dalka Canada Ka Dhacday

(SLT-Toronto)-Labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay ninkii hubaysnaa iyo haweenay da’yar ayaa dhintay 13 ruux oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib toogasho ka dhacday magaalada Toronto, sida uu sheegay booliiska dalka Canada.

Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka Danforth iyo Logan habeennimada Axadda.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah gabadh yar, waxaana xaaladdeeda lagu sheegay mid aad u liidata, booliiska ayaa dalbanaya dad goobjoogeyaal ah.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayaa lagu daweeyay isla goobtii, halka kuwo kalana loola cararay isbitaallo ka ag dhaw, ma cadda ujeedada laga lahaa toogashadaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top