Connect with us

somalilandtoday.com

Gaadhigii U Gaarka Ahaa Saddaam Xuseen Oo Lagu Iibinayo Dalka Maraykanka

focus

Gaadhigii U Gaarka Ahaa Saddaam Xuseen Oo Lagu Iibinayo Dalka Maraykanka

(SLT-Washington)-Hoggaamiye kasta oo Dunida soo mara waxa uu ka tegaa taariikh lagu xasuusto iyo sidoo kale waxyaabo ka mid ah alaabihii uu adeegsan jiray.

Dalka Maraykanka ayaa waxa lagu iibinayaa gaadhiga magaciisa la yidhaahdo The Bentley ee u gaarka ahaan jiray Hoggaamiyihii Dalka Ciraaq ee Saddaam Xuseen.

Gaadhigan ayaa waxa uu Qoyskii Saddaam Xuseen ee ka tallin jiray Dalkaasi ay hantiyeen Sanadkii 1958 kii waxa aanu ka mid ahaa 31 gaadhi oo keliya oo noocaasi ahaa oo si gaar ah loo sameeyay, gaadhigaasi ayaa waxa lagu soo bandhigay Macradka Concours d’Elegance, ilaa iyo haatan lama shaacin qiimaha dhabta ah ee Gaadhigani, balse Lolene Hammond ah afhayeen u hadlayey wakaaladda Driving Du Nayshon oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxay sheegtay in helista gaadhigaasi ay soo martay marxalado badan, isla markaana gaadhigaasi gacanta lagu soo dhigay isagoo ay xabado ka muuqdaan oo aan wax kuraasi ah lahayn.

Intaasi kaddibna, waxa dib u habayn ku samaysay shirkada Wux Producer, Madaxweyne Saddam ayaa gaadhigaasi si qasab ah ku hantiyey kadib markii la damcay in dalka Ciraaq laga saaro xilligii uu ka talinayay, laakiin markii xukunkiisu dhacay ayaa waxa lagu guuleystay in laga soo saaro dalkaasi Ciraaq.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top