Connect with us

somalilandtoday.com

“Farmaajo Iyo Khayre Waxa Ay Galayaan Khalad Siyaasi Ah Oo Siyaad Barre Galay Sannadkii 1988-kii” Ex. Wasiir Cali Mareexaan

focus

“Farmaajo Iyo Khayre Waxa Ay Galayaan Khalad Siyaasi Ah Oo Siyaad Barre Galay Sannadkii 1988-kii” Ex. Wasiir Cali Mareexaan

Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) oo ka mid ahaa golihii wasiirrada xukumaddii Siilaanyo ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo ra’isal wasaarihiisa Xasan Cali Khayre hayaan jid khaldan oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Siyaad Barre qaaday sanadihii sideetamaadkii.


Cali Mareexaan oo shalay telefishanka Eryal u warramay wuxuu sheegay in madaxda Soomaaliya xilligan ka arrimisa isku dayayso in ay Somaliland u awood sheegtaan kana soo xidhaan albaabada caalamka si ay ugu khasbaan in Somaliland Xamar hoos tagto.

“Qoladdan Somalia ka arrimisa ee Khayre iyo Farmaajo waxaad mooda in ay galayaan khalad siyaasi ah oo weyn oo taariikhi ah oo Siyaad Barre galay aakhirkii Sideetamaadkii. Khaladkaasi waxa weeye Siyaad Barre ayaa aakhirkii Sideetamaadkii loogu taag waayay in uu SNM iyo dadkii ay dagaallamayeen la heshiiyo oo haddii uu tanaasul samaynayo u sameeyo. Isaga ra’yigiisu wuxuu ahaa in uu la heshiiyo Mingiste(Hoggaamiyihii Itoobiya) oo dabeedna cunaqabatayn saaro SNM oo xeryaha laga soo hurgufo oo iyaga oo qoryaha madaxa ku sita oo xeryo caydheed loo furay la soo xareeyo. Dad Xamar joogay oo qaarkood qabiilkiisa yihiin ayaa ku lahaa ‘haddii aad Mingiste la heshiinayso oo waxyaabo Soomaalida Mabaa’dii u ah uga tanaasulayso SNM la heshiis’ mayee iska daaya ayuu yidhi aniga garanayee. Halkii ay ku dambeysay waa taa Soomaali ilaa maanta dawlad la’aanta iyo luufluufka ku jirta,” Sidaas ayuu yidhi Cali Marreexaan.

Waxa uu intaasi raaciyay in hadda dariiq kaas la mid ah ay hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isal wasaarihiisa “Imika waxay leeyihiin Farmaajo iyo Khayre citiraaf baanu haysana, dunida na ogol, Somaliland waa wax yar oo maynar ah oo dunida ayaanu ka soo xidhayna, Itoobiya ayaanu ka soo xidhayna, diblamaasiyad baanu isticmaalayna, Qaramada Midoobay ayaanu waraaqo gaynayna, Qaadhaan bixiyeyaasha ayaanu habka gaarka ah ka soo xidhayna, dhaqaalahaanu ka xidhayna dabeedna iyaga(Somaliland) is daba socda ayay koox koox u imanayaan Xamar ayay leeyihiin, halkaasina waa halkii dawladdii Siyaad Barre ku jabtay,” Sidaas ayuu yidhi Cali Marreexaan.

Cali Marreexaan wuxuu sheegay in dagaalka Soomaaliya kaga wado Somaliland xidhiidhka caalamiga ahi uu uga sii darayo xaaladda labada dhinac laakiin, xalku ku jiro in Madaxda Soomaaliya ogolaato jiritaanka Somaliland lagana wada hadlo waxyaabaha la isku seegan yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top