Connect with us

somalilandtoday.com

Xeerka Doorashooyinka Ee Golaha Wakiillada Horyaala Iyo Qaabka Uu Kuraasida Xildhibaanada Ugu Qaybiyay Goballada Dalka

focus

Xeerka Doorashooyinka Ee Golaha Wakiillada Horyaala Iyo Qaabka Uu Kuraasida Xildhibaanada Ugu Qaybiyay Goballada Dalka

(SLT-Hargeysa)-Xeerka doorashooyinka ee dhawaan loo gudbiyay golaha wakiilada Somaliland, ayaa waxa ku jira qodob ka hadlaya saami qaybsiga kuraasta ee gobalada dalka ee golaha wakiilada Somaliland.

Xeerkan oo uu Geeska Afrika arkay, ayaa qodobkiisa 78aad wuxuu ka hadlayaa habka saami qaybsiga ee kuraasta golaha wakiilada, “Iyadoo mudnaanta la siinayo” ayuu yidhi xeerku, “Danta qaranka si doorshdu u qabsoonto, qaybinta kuraasta ee golaha wakiilada ee gobal doorasho waxay noqonaysaa sidan soo socota:

Gobalka Maroodi Jeex 20 kursi

Gobalka Togdheer 15 kursi

Gobalka Awdal 13 kursi

Gobalka Sanaag 12 kursi

Gobalka Sool 12 kursi

Gobalka Saaxil 10 kursi

Tirada guud ee kuraasta gobalada ayaa marka la isu geeyo waxay noqonaysaa 82 xubnood, waxaana soo baxaysa in xeerku soo jeedinayo in doorashada golaha wakiilada lagu galo qaabkii lagu galay doorashadii hore ee wakiilada ee 2005.

Geesta kale qodobka 77aad ee xeerkan oo ka hadlaya goobaha doorashada, ayaa tilmaamaya in wakhtiga doorashada dalka loo qaybin doono goobo doorasho oo ku salaysan xuduudihii lixdankii ee degmooyinka dalka, waxaanu qodobkan faqradiisa 1aad odhanaysaa “Marka la qabanayo doorashada golaha wakiialda ee Jamhuuriyadda Somaliland sida uu dhigayo qodobka 109aad ee distoorka dalka waxa dalka loo qaybinayaa gobolo doorasho, kuwaaso o yeelanaya xuduudihii lixdii degmo ee jiray 26 June 1960 oo haddana gobalo ah.”

Xildhibaanada gobalka Awdal ayaa dhawaan si adag uga horyimid xeerkan horyaala golaha wakiilada, oo ay ansixiyeen golaha wasiirada Somaliland, ka dib markii ay guddiga doorshadu soo diyaariyeen.

Warsaxaafadeed madaxtooyadu soo saartay dhawaan waxay ku tidhi “Dhawaan waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.”

Laakiin Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshaha xeerkan, waxaanay meesha ka saareen inay ka qayb galeen curintiisa.

Golaha wakiilada, ayaan la garan Karin inay xeerkan ku ansixin doonaan sidan uu u qoranyahay iyo inay wax ka bedel iyo kaabis ku samayn doonaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top