Connect with us

somalilandtoday.com

Xasan Gadh-wayne oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geeridda Ku Timid Alle ha u naxariistee Wariye Yoonis Cali Nuur

Articles

Xasan Gadh-wayne oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geeridda Ku Timid Alle ha u naxariistee Wariye Yoonis Cali Nuur

Ex-Wasiirkii hore ee Waxbarashadda Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhwayne) isagoo ku hadlaaya Magaciisa iyo ka Qoyskiisaba, waxa uu Tacsi u dirayaa ehellada, qaraabadda, bahda Saxaafadda , waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Weriye Yoonis Cali nuur oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska taariikhdu markay ahayd 20/07/2018.


Waxaannu Xasan Gadhwayne ku sifeeyay suxufi rug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan inta ku hadasha afka-Soomaaliga. Waxa kale, oo uu Marxuumka ku tilmaamay qof dhawrsoon oo af-gaaban oo bulshaawiya.

Waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, Waxgaradka, Waayeelka,

Aqoon-yahanka, Qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top