Connect with us

somalilandtoday.com

Maxay Tahay Sababta Shacabka Eritrea Ay Ugu Ooman Yihiin Isbaddallo?

focus

Maxay Tahay Sababta Shacabka Eritrea Ay Ugu Ooman Yihiin Isbaddallo?

(SLT-Eritrea)-Dalka Eritrea ayaa ah dalka kaliya ah ee qaaradda Afrika ee leh hal xisbi, in badan oo kamid ah shacabka dalkaasi ayaa ku rajo wayn in madaxweyne Isaias Afwerkii uu sameeyo isbaddallo siyaasadeed kaddib markii dhawaan lasoo afjaray colaaddii xadka ee Eritrea iyo Itoobiya.

Isias Afwerki ayaa xilka la wareegay tan iyo intii xoriyadda uu dalkaasi ka qaatay Itoobiya sannadkii 1993-dii.

Weriyaha BBC-da Desta Gebremedhin wuxuu wax ka qoray xoriyadaha aasaasiga ay ku rajo wayn yihiin shacabka Eritrea inay helaan.

Doorasho

Waa sawir laga soo qaaday ciidamada Eritrea 22 bishii September sannadkii 1999-ka, waxayna tabbabar ku qaadanayeen deegaan ku yaalla bariga magaalada AsmaraLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionWaa sawir laga soo qaaday ciidamada Eritrea 22 bishii September sannadkii 1999-ka, waxayna tabbabar ku qaadanayeen deegaan ku yaalla bariga magaalada Asmara

Eritrea kama jiro xisbiyo mucaarad ah, weligeedna kama aysan dhicin doorasho.

Runtii mana jiraan waxyaabo xaddidaya awoodda madaxweynaha Eritrea, dadka naqdiya siyaasadda madaxweynaha waxay sheegayaan inuu yahay hoggaamiyaha ugu awoodda badan dalkaasi, xita wuxuu ka sareeyay dhanka awoodda xisbiga talada haya iyo baarlamaanka qaran.

Waxaana la sheegay in markii ugu dambaysay xubanha baarlamaanka dalkaasi ay kulmeen sannadkii 2002-dii.

Xisbiga PFDJ ayaa ah xisbiga kaliya ah ee laga aqoonsan yahay Eritrea.

Shacab badan oo reer Eritrea ah ayaa ku haminaya inay helaan dastuur dhigaya in nidaamka axsaabta daalkaasi laga dhaqan geliyo.

Nidaamka hal xisbi oo saamayn ku yeeshay siyaasadda dalkaasiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionNidaamka hal xisbi wuxuu saamayn ku yeeshay siyaasadda dalkaasi

Wasiiro, janaaralo militari iyo saraakiil caan ahaa ayaa dowladda ka dalbaday in isbaddal ay ku samayso dastuurka dalkaasi kaddib markii la gaaray heshiiskii nabadda ee sannadkii 2000.

Dowladda Eritrea waxay iska indho tirtay baaqaasi, 11 sarkaal ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana kamid ahaa saddex wasiiradii hore ee arrimaha dibadda dalkaasi soo maray. saraakishan laguma soo oogin wax dacwad ah, lamana ogo halka ay jiraan.

Xabsiyo maran

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa saaran cadaadis ah inuu isabaddallo ku tallaabsado sida Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy AxmedLahaanshaha sawirkaEPAImage captionMadaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa saaran cadaadis ah inuu isabaddallo ku tallaabsado sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Waxaa jiraa 11 qof oo kamid ah siyaasiyiinta uga magaca dheer dalkaasi oo xabsiyada ku jira , sidoo kale kumanaan qof oo kale oo xabsiyada ku dhex rafaadsan sannooyin dhowr ah, sida ay sheegtay ha’ayadda Amnesty International.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka ee dibad jooga ah ee ku kala sugan Yurub iyo waqooyiga Amerika ayaa ugu baaqay madaxweyne Afwerki inuu xabsiga kasoo daayo maxaabiista sii loo gaaro tallaabada koowaad ee lagu tiigsanaya dimuqraadiyadda.

Waxayna sidoo kale sheegeen in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu xabsiga kasoo daayay kumannaan maxaabis ah islamarkaasna uu ka run sheegaya wadaxaajoodka qaran uu la samaynaya mucaaradka.

Dowladda Eritrea waxay beenisay warbixinta ha’yadda Amnesty oo ku tilmaantay eedeymo aan waxbo ka jirin.

Soo afjaridda shaqada qaran ee khasabka ah

Muhaajiriin Eritrean ahLahaanshaha sawirkaAFPImage captionMuhaajiriin Eritrean ah

Sannadkii 1995-kii, adeegyada qaranka ayaa khasab looga dhigay shacabaka reer Eritrea.

Horraan waxay hayd, in dhammaan muwaadiniinta reer Eritrea ay qayb qaataan 18 bilood adeegyada qaran , oo ay kamid tahay 6 bilood uu qofka tabbabar militari qaadanaya.

Waxay tallaabadaasi horseeday in shacab badan ay ka carareen dalkooda kuwaaso noloshooda halis ku geliya badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub.

In badan oo kamid ah da’yarta reer Eritrea waxay doonayaan in meesha laga saaro ka qayb qaadashada adeegyada qaran sii ay u raadsadaan waxbarasho.

Saxaafad xor ah

Shacabka reer Eritrea waxay soo dhaweeyeen boqashadii Abiy Axmed uu ku tagey dalkoodaLahaanshaha sawirka@FITSUMAREGAAImage captionShacabka reer Eritrea waxay soo dhaweeyeen boqashadii Abiy Axmed uu ku tagey dalkooda

Eritrea ayaa ah dalka ugu xun caalamka ay saxaafad ka howlgalaan.

Dowladda Eritrea waxay albaabada isugu dhuftay dhammaan warbaahinta gaarka loo leeyahay sannadkii 2001-kii si ay u wiiqdo ololaha lagu raadinayay nidaamka axsaabta.

Ugu yaraan 10 weriye ayaa lagu xiray howlgal ay sameeysay dowladda, sida ay sheegtay ha’yadda la socodka xaaladda weriyeyaasha caalamka.

Dowladda Eritrea waxay ku doodaysaa in wargeysada ay maalgeliyaan dowlado shisheeye oo doonaya inay qalalaase siyaasadeed ka abuuraan dalka.

Xoriyad dhanka diimaha

Dad ku tukanayaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dowladda Eritrea waxay aqoosantahay oo kaliya afar diimood oo ay kamid tahay Islaamka siiba dariiqada Sunniga iyo Kristaanka.

Waxaa kasoo haray diimahaasi waa mamnuuc.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top