Connect with us

somalilandtoday.com

Wargeyska The Guardian Oo Warbixin Ku Fallanqeeyey Qaddiyada Somaliland

advertise

Wargeyska The Guardian Oo Warbixin Ku Fallanqeeyey Qaddiyada Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wargeyska the Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa warbixin dheer ka qoray qaranimada iyo himilada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Siday faafisay wakaalada wararka Somaliland, Warbixintaas oo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Joshua Keating, waxa uu ku  sheegay in marka aad joogto Somaliland  aanu shaki kaa galaynin dawladnimada dhabta ah ee ka jirta JSL, Waxaanu intaas ku daray in markii uu ka degay madaarka Hargeysa uu sarkaal ka tirsan kastamadda oo xidhanaa dirays u gaar ahi uu hubiyey  dal ku-galkiisii oo ay bixisay qunsuliyada Somaliland ku leedahay magaalada Washington DC.

Suxufigaasi waxa uu xusay  inkastoo   qarammada midoobay iyo Maraykanku  aanay aqoonsanayn Somaliland, haddana uu yahay waddan xasiloon oo ka jira gobolka Geeska Afrika. Warbixintaasi waxay intaas ku dartay in Somaliland ahayd qaran madax-bannaan oo 35 dal aqoonsadeen, kadib markii ay xoriyadoodii ka qaateen Ingiriiska 26kii June 1960kii.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa wargeyska the Guardian u sheegay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii laga doonayey dal madax-bannaan, waxaanu caddeeyey inay Somaliland la macaamisho qarammada midoobay iyo beesha caalamkaba, waxaanu ku dooday  in marka uu u safro dibada  lagu qaabilo hab maamuus u qalma xilkiisa.

Sidoo kalena, Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) oo ka mid ah madaxda ururrada bulshada rayidka ah, ayaa sheegay in Somaliland aanay ahayn waddan ka go’aya Soomaaliya balse ay ahayd qaran madax-bannaan oo xoriyada ka hor qaadatay Soomaaliya, waxaanu intaas ku daray in Somaliland soohdimaheedu yihiin qaar caalamiya oo la sameeyey xiligii gumaystaha. Wargeyska the Guardian wuxuu faahfaahiyey  in Somaliland ay ka tisqaaday dimuqraadiyad,isla markaana ay leedahay  ciidan, calan iyo dawlad la soo doortay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top