Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkii Nabadaynta Ceel Afweyn Maanta Dib U Furmay Iyo Qodobo Adag Oo Laga Soo Saaray +SAWIRRO

focus

Shirkii Nabadaynta Ceel Afweyn Maanta Dib U Furmay Iyo Qodobo Adag Oo Laga Soo Saaray +SAWIRRO

Ceel Afweyn (Somalilandtoday)- Waxaa saaka dib u furmay shirkii nabadaynta ee deegaanka Ceel Afweyn kaasi oo muddo shan maalmooda hakad galay si loo soo dhamaystiro baahiyaha aasaasiga ah ka qabyada ahaa labada dhinac, shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku xigeenadii Hore ee Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Tolwaa oo shalay soo gaadhay deegaanka Ceel Afweyn.

Shirka oo ay shirgoominayeen gudida shirgudoonka ah ee uu gudoomiyaha u yahay Suldaan Dhawal kaasi oo saaka marki uu furmay ay hadalo dardaarana kasoo jeediyey labada madaxweyne ku xigeen iyaga oo beelaha walaalaha ah ugu baaqay inay maanta qar qaataan oo ku qancaan kitaabka alle iyo shareecada arintana nabada kusoo dabaalaan cidii u hogaansami weydana dhan looga soo wada jeedo.

Intaasi kadib waxaa xidhiidhinta la wareegay shir gudoonka shir waxaana ay halkaasi kaga dalbadeen ergada labada dhinac iyo xidhayaashooda inay inay ka war bixiyaan in ciidamadii la kala qaaday isla markaana diyaar u yihiin inay gar qaataan oo garnaqsi la bilaabo.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, crowd

Image may contain: 5 people, crowd and indoor

Ugu horeyn waxaa mekrafoonka qaatay suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar waxaana uu sheegay in dhanka uu afkooda ku hadlayey ciidamadii kala direen garnaqsigana diyaar u yihiin.

Intaasi Kadib waxaa hadalka la wareegay Suldaanka Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse waxaana uu sheegay in dhanka uu xidhaha u yahay inay ciidamadii maleeshiyaadka ahaa la kala diray garnaqsidana ay wax ka dhiman yihiin.

Ugu danbay waxaa hadalkaasi kusoo noqday afhayeenka Shir gudoonka Sheekh Ismaaciil Sheeg waxaana isku noqon iyo shuuraysi shir gudoonka ah kadib sheegay in shir guddoonku isla qaatay in iyada oo la tix galinayo markii labaad Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse in dib loo dhigo gar naqsiga oo bari la bilaabo garnaqsiga labada dhinac.
Shir gudoonku gabagabadii waxaa uu madashaasi ka jeediyey qodobada habsami u socodka shirka kuwaasi oo bari dhaqan gali doona.
1- Inaan Wax Mobil ah haba yaraatee Shirka lala soo gali Karin
2- In dhamaanba warbaahin idam la’aan shirka gali Karin duubina Karin
3- In shirku bilaabmayo 8:30 subaxnimo ilaa inta garnaqsigu ka dhamaanayo kaasi oo loogu tago galay maalin
4- In labada dhinac garnaq si gooda u qoondeeyaan sadex nin oo kaliya dhinac kasta
5- In aan la dhaarin Karin ergada xidhayaasha ah
6- In dhan walba laga dhaarin doono 21 xubnood

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top