Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xooggan Oo Saaka Ka Dhashay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Qarax Xooggan Oo Saaka Ka Dhashay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Muqdisho)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kaddib qarax gaadhi oo ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa kuwo baabuurta lagu xidho, waxaana la sheegay gaadhiga ay saarnaayeen hooyo iyo labo wiil ay dhashay, waxaana ku geeriyooday darawalka gaadhiga, halka hooyada iyo wiilka kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Haweeney wadada mareysay ayaa ku dhaawacantay qaraxan oo dhacay abaarihii 7-dii subaxnimo iyo qadar daqiiqado ah.

Wararka ayaa sheegaya in hooyada qaraxa ku dhaawacantay ay saaka ka dhoofeysay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta yar yar ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu bartilmaameedsaday dad kala duwan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top