Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Lagu Soo Eedeeyey Inuu Bambooyinka Sameeya Oo Xabsi Daa’im Lagu Xukumay

focus

Nin Lagu Soo Eedeeyey Inuu Bambooyinka Sameeya Oo Xabsi Daa’im Lagu Xukumay

(SLT-Hargeysa)-Ninkani tuubbista haah ee xabsi daa’imka ay maxkamadda ku xukuntay waxaa lagu soo eedeeyey inuu qorsheynayey inuu falal argagixiso ka sameeyo Westminster iyo inuu babmooyinka uu u sameeynayey ururka Taalibaan.

Khalid cali oo 28, jir ah wuxuu degganaa Edmonton ee waqooyiga London, waxaana la xiray 27-ka bisha April 2017 waddada baarlamaanka hormarta isaga oo seddex toori sitay.

Waxaana dib laga ogaaday inuu inuu mudda shan sana ah uu Afqaanistaan soo joogay oo bambooyinka uu u sameeynayey ururka Taalibaan.

Xabsigana wuxuu ku jiri doonaa ugu yaraan 40 sano iyada oo ku muteystay inuu u diyaar garoobayey falal argagixso.

Garsoore Nicholas Hillard ayaa wuxuu sheegay inuu xukunkaasi uu ku mutay seddex dacwadood oo lagu soo oogay.

Wuxuuna intaa ku daray cali ”inuu qayb ka ahaa falal argagixiso oo looga shakiyey oo ka dhacay dalka Afqaanistaan”.

Wuxuuna Britain oo la damacsanaa fal argagixiso ”uu magac iyo sumcadba uu ku yeesho” inuu ka sameeyo.

Dhab ahaanna waxaan aaminsanahay ayuu yiri “Qorshahiisa inuu ahaa inuu qof ku weeraro bartamaha London”

Garsoore Judge Hilliard ugu dambeyn wuxuu go’aamiyey ugu yaraan inuu 40 sano uu xabsi ku qaato.

22-ka bisha April ee sanadkan, muddo bil ah kaddib weerarki Westminster, Camerada waddada ayaa waxay qabatay khali Ali oo marar badan marayo meel aan la oggoleyn oo amnigooda la adkeeyey sida xafiiska laanta sirdsoonka ingiriiska MI6, buundada Westminster, baarlamaanka dalka iyo Whiehall.

Shan maalmood kaddibna Khalid hooyadii ayaa booliska soo wacday oo sheegtay iney afar toorri ay qolkiisa jiifka ku aragtay.

Islamaalintiba booliska waxay ku qabteen waddada Downing Street isaga oo maraya.

Booliskuna waxay horay u sheegeen iney farahiisa ka heleen waxyaaba qarxa oo ay Afqaanistaan bakhaar ku yaallay lagu qabtay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top