Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Oo Duqeymo Billaawday Kaddib Marki Askari Laga Dilay

focus

Israa’iil Oo Duqeymo Billaawday Kaddib Marki Askari Laga Dilay

(SLT-Qaza)-Israa’iil ayaa billaawday duqeymo ay ku bartilmaameedsaneyso xerooyin ciidan oo ku yaalla marinka qaza, kaddib marki askari lagaga dilay rasaas laga soo riday xadka marinka Qaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa waxay sheegeen asakari inuu kaga dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas dhinaca Falastiin laga soo riday marki ay rabshadaha halkaasi ka soo cusboonaadeen.

Saraakiisha ku sugan Qaza ayaa waxay sheegeen iney duqeymahaasi ay ku dhinteen 4 qof oo Falastiini ah, seddex ka mid ahna ay yihiin dableey ka tirsan ururka Xamaas.

Ciidamada Israa’iil waxaa ay sheegeen iney duqeymahooda ku beegsadeen 15 goobood oo ay leeyihiin ciidamada Xamaas oo ku yaallo waqooyiga marinka qaza iyo 25 oo ku yaalla Koonfurta Khan Yunis duqeymahana weli waa ay socdaan.

Dhacdadani ayaa waxay timid marki jimcaha ay Falastiniyiintu mudaharaadyadooda ay ka sameeynayeen xadka qaza iyo Israa’iil ay wadaagaan ay halkoodi ka sii wateen. Dableyda Falastiin ayaa waxay rasaas ku soo rideen ciidamada Israa’iil ee xadka ku sugnaa.

Israa’iil toddobaadki hore Qaza waxay ka sameeysay duqeynti ugu weyneed oo ay ku beegsaneyday saldhigyada ururka Xamaas tani iyo marka uu dhammaaday Dagaalka Qaza ee 2014-ka.

Mid ka mid ah ehelada ay diyaaradaha Israa'iil Jimcaha ku dileen QazaLahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionMid ka mid ah ehelada ay diyaaradaha Israa’iil Jimcaha ku dileen Qaza

Falastiiniyiinta ayaa waxay xadka ay mdaharaadyo ka wadaa 17 Usbuuc. Saraakiisha sare ee caafimaadka ayaa waxay sheegeen tani iyo marka ay mudaharaadyada billaawdeen lagu dilay Falastiiniyiin ka badan 130, dad ka badan 15, 000 ay ku dhaawacmeen.

Askariga Israa’iil ee Jimcaha lagu dilay xadka marinka Qaza waa kii ugu horreeyey oo in mudda ah ku dhinta rasaas la isweydaarsaday.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn u cambaareeyey duqeymaha Israa’iil ay Qaza ka waddo ee aan u dhigmin dhibka aloo geystay.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan colaadda Falastiin iyo Israa’iil u dhaxeysa Nickolay Mladenov ayaa wuxuu dhinacyada ishaya uu ugu baaqay iney xaaladdu dejiyaan si dhiig kale uu u daadan. Isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay kooxaha falastiiniyiinta ee Islamic Jihad iyo Xamaas iney ka fiirsadaan tallaabbooyinka ay qaadeen waxa ka iman kara.

Mid ka mid ah Falastiiniyiinta Jimcaha mudaharaadka ka waday xadka QazaLahaanshaha sawirkaEPAImage captionMid ka mid ah Falastiiniyiinta Jimcaha mudaharaadka ka waday xadka Qaza

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Avigdor Lieberman wuxuu ka digay haddii ay joojin waayaan xamaas gantaallada ay ku soo gamayaan Israa’iil ay israa’iilna ku qasbanaaneyso iney jawaab adag ka bixiso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top