Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: “Suldaan Haddii Dhagahaagu Maqli Waayeen Somaliland La Wada Leeyahay, Waxa ay Maqli Doonaan Somaliland La Kala Leeyahay” Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Si Adag Ugu Jawaabay Suldaan Xasan

English

DAAWO: “Suldaan Haddii Dhagahaagu Maqli Waayeen Somaliland La Wada Leeyahay, Waxa ay Maqli Doonaan Somaliland La Kala Leeyahay” Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Si Adag Ugu Jawaabay Suldaan Xasan

(SLT-Hargeysa)-Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir Oo ka mid ah madax dhaqameedka Beelaha Somaliland ayaa si adag uga jawaabay Hadal uu dhawaan madal ka jeediyay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, kaas oo uu ku sheegayay in aanay waxba ka jirin in somaliland la kala leeyahay, hasayeeshee ay Dadka Somaliland u siman yihiin.

Caaqilka oo hadalkaas daba socda ayaa yidhi “Suldaan Xasan Wuxuu Yidhi Kelmadda Somaliland La Wada Leeyahay Markaan maqloba Qalbigayga Way Xadantaysaa, dhagahayguna way deedafeeyeen, Haddii ay dhagahaagu xaqa deedafeeyeen waa amuur culus.

Gobolada Awdal Iyo Salal Cabashooyinkooda qoraal, af iyo is hor fadhiba way ku gudbiyeen, waxaana ugu dabeeyay xildhibaanadii maalintii dhaweyd saami qaybsigaka hadlayay, intii ay qaylinayeena waad maqlayseen, wixii ay ka hadlayeena waxa ay ahayd Somaliland la wada leeyahay, ilaa iminkana cid uga jawaabtay oo ay ku qanceen hadii aad idinku og tihiin bal sheega.

Suldaan Xasanoow hadii ay dhagahaagu deedafeeyeen xaqqa uu Aadan (Sheekh Aadan Siiro) ku hadlay iyo wanaaga uu sheegay, qalbigaagana ay xadanteeyeen, dhagahaaga xaqa looga leexan maayo” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaambiir.

Wuu sii watay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir Hadalkiisa waxaanu yidhi “Suldaan haddii ay dhagahaagu maqli waayaan Somaliland la wada leeyahay oo ay kud hibtay, waxa ay dhagahaagu maqli doonaan Somaliland la kala leeyahay.” Ayuu yidhi

Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top