(SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee wariyihii ruug caddaaga ahaa ee Yoonis Cali Nuur ayaa ku geeriyooday magaalada London ee carriga Ingiriiska sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.
Yoonis oo hadda ahaa la taliyaha wasiirka warfaafinta ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay waxaanu hadda muddo bil ah ugu maqna Ingiriiska arrimo caafimaad isaga oo dhakhtar halkaasi ku yaal ku geeriyooday.
Yoonis ayaa wakhti dheer ka soo shaqaynayay saxaafadda isaga oo horraantii 1970s ku biiray idaacaddii Radio Muqdisho markii dambena 1983 ku biiray idaacadda BBC-da oo uu ka shaqaynayay ilaa afar sanno ka hor uu beeshan ka noqday. Waxa uu sanadihii u dambeeyay Somaliland ka qabanayay arrimo dhanka saxaafadda ah oo aqoon korodhsi u badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Weriye Yoonis Cali nuur oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/07/2018, dalkaIngiriiska.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi rug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan inta ku hadasha afka-Soomaaliga, isagoo marxuumku ahaa muddo dheer suxufi u adeega bulshadiisa, una ahaa tusaale ku dayasho mudan kana tegay taariikh ma guuraan ah.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.