Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadii U Horeysay Ee Gacanteeda Isku Gawracda Ayey Noqon Doontaa Xukuumadda Muuse Biixi

Articles

Xukuumadii U Horeysay Ee Gacanteeda Isku Gawracda Ayey Noqon Doontaa Xukuumadda Muuse Biixi

Muran kama Taagneyn in ay Bulshada Somaliland inteeda Waxgaradka ahi layaabeen Talaabooyinkii hordhaca ahaa ee uu Muuse Biixi bilawgii Xukuumadiisa ugu Wanqaley, taas oo aheyd In uu albaabada usoo laabo Xidhiidhkii Diblamaasiyadeed ee dalalka Dariska iyo Beesha Caalamkaba iyadoo dad badani la amakaageen aflagaadadii Aan joogsiga laheyn ee uu hadh iyo habeen ku maagayay Soomaaliya iyo Puntland oo Xaqiiqdii ka Kaxeysay kumanaan kun oo qof oo Ku abtirsanayey boqolkiib sagaashan Somaliland Laakiin Maanta mugdi gashey Somalilandnimadoodu ha ubadnaadeen Beelaha Harti ee Degga Sool Buuhoodle iyo Sanaag/Bari.

Waxa ay Umadda Reer Somaliland caruur iyo Ciroolaba markhaati ka yihiin Ergooyinka uu maanta goor Xeedho iyo Fandhaal

kala dhaceen u Dirsadey Puntland iyo Soomaaliya, taas oo ah Waanwaantii markii hore loogu taag waayey ee zataa Beesha Caalamka iyo Dalalka Darisku galeen oo Wakhtigan Maamulkiisii iyo Dawladnimadii Somaliland ku faaneysay labadaba Cidhiidhi galisey iyadoo Tusaale ay ugu Filan tahey mudada afarta Bilood ka yar ee Raysal-Wasaaraha Itoobiya isbadel la taaban karo kaga girgaliyey Siyaasadii Arimaha Gudaha dalkiisa iyo Tii Arimaha Dibadda ee ku Wajahneyd Siyaasada dalkiisa taas oo Wax weyn ka badeshay guud ahaaba Siyaasada Geeska Afrika miyaan la odhan karin Waaba iska soo horjeed Muuse Biixi oo Somaliland hogaaminayey lix bilood iyo Dheeraad Wuxuu Albaabada usoo Laabey Siyaasadii iyo Laambadii yareyd ee Somaliland u ifeysay Guddo iyo Dibaddba halka Raysal-Wasaaraha Itoobiya afar Bilood gudahood isabdel Noocaas ah ku talaabsadey iyadoo aan Waliba loo buunbuunin Sidii Muuse Xiligii Ololaha loo Buunbuuniyey ee loo lahaa Waa Nin adag oo Wadanka Marxalad adag ka Saaraya.
Sikasta oo ay Tahey, Miyaaney Somaliland Taariikh madaw ku aheyn odoyaasha Puntland uu u Direy ee Daahir Yaa shamiska ah, Miyaaney Taariikh madaw ku aheyn in Faysal Cali Waraabe Farmaajo loogu Dirsado Shirka Brussles waxey taasi cadeyneysaa in Mudo Xileedkiisa aanu ka Gudbi Doonin Muuse Biixi Isbadeladda Siyaasadeed ee Mandaqada Geeska Afrika ka Socda Waxaana Taariikhda u Gali Doonta is adkeynta iyo is qalafinta Wali ka Muuqata in uu Noqon Doono Xukuumadii u Horeysay ee Gacanteeda isku gawracda sababtoo ah ma Muuqato Habayaraatee, in uu Dib Usoo celin karo Karaamaddii iyo Fursadihii uu Mudadii Koobneyd ee uu Xilka hayey ka baabiiyey Qarankan Curdinka ah ee Sabaalaha iyo Qunyar Socodka kaga Dhex Muuqdey Dalalka Manadaqada Geeska Afrika Siyaasada Taladeedu Baloodh Hargeysa Kuyaal dhaafin Weyday Sidee bay Dal iyo Dad usii Hogaamin Kartaa? Allaha ha inoo Sahlo inta uu kasoo Jeexo ama ka muuqdo Madaxtooyadda.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

Advertisement

Feaured

To Top