Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad Ku Taalla Turkiga Oo Diiday Sii Deynta Nin U Dhashay Mareykanka

advertise

Maxkamad Ku Taalla Turkiga Oo Diiday Sii Deynta Nin U Dhashay Mareykanka

(SLT-Ankara)-Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo.

Ninkan oo ah wadaad ka tirsan kaniisadaha Mareykanka ayaa xakunkiisani kusoo beegmayaa xilli ay dowladda Mareykanka dadaal ugu jirto in lasoo daayo wadaadkani.

Xidhiidhka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO.

Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan.

Waa marki saddexaad oo ay maxkamaddani diideyso codsi ah in xorriyadiisa uu dib u helo wadaadkani.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top