Connect with us

somalilandtoday.com

“Madhnaanta Soomaalinimadda Maanta” … W/Q: Axmed Nuur Guruuje

Articles

“Madhnaanta Soomaalinimadda Maanta” … W/Q: Axmed Nuur Guruuje

IIaahay koreeye wuxuu quraankiisa inoogu sheegay ,in aynaan gaadhayn wanaag Ilaa aynu bixino waxaynu jecelahay .

Siddaa darteed dhuuxa iyo maydhaxda arrin walba lagga eego marka la doonayo in la qiyaaso heerka uu ka taagan yahay waxa weeye ,ogaanshaha inta uu ka daacad yahay ama u daacad tahay ,markhaatigeeduna waxa weeye inta ay la eeg tahay naf hurista iyo wax u quudhista qadiyada hadba lagga hadlayo .

Sidda aynu ka fahmayno ayaadana ,waxa la quudhayaa waa waxa aynu jecelahay ,waxaadoo ah ,nafta ,Maalka iyo ubadka .

Siddaa markay tahay ,soomaalinimaddu waxay ku dhisan tahay 1960 si waafaqsan mabaadidaa aynu kor kusoo

sheegay,maxaa yeelay soomaaliland ayaa u hurtay soomaalinimadda wax kasta oo ay gaar u yeelan lahayd .
Dhinaca kale ,Djabouti 1977 waxay qaaday talaabo kasoo horjeedda tii somaliland ,waxaanay go aansatay in aanay soomaalinimadda u hurin wixii Somaliland u hurtay .

Soomaaliyaddii midowdayna waxaa burburayey naf jeclaysiggii iyo wax quudhis la aantii lagga dayn waayay .

Maanta soomaaliya waxay raadinaysa soomaalinimo aanay waxba u hurayn ,waxaana kuu cadaynaysa xaaladda Gaal kacayo .

Farmaajo wuxuu raadinayaa soomaalinimo aanu waxba u hurayn waayo wuxuu yidhi ururka onlf waa arga gixiso ,iyaddoo ururkaas aan aduunku u aqoonsanayn argagixiso .

Waxa kale oo uu yidhi ,qalbi dhagax maaha soomaali u dhashay wadanka soomaaliyeed xaq iyo xuquuqna kuma laha .

Dadka soomaalinimadda u dhaq dhaqaaqaa guud ahaan waa dad la heshiin waayay soomaali kale oo weliba ah soomaaliddii ay isku danta iyo isku deegaanka ahaayeen ,kuwaasoo soomaalinimo ka raadinaya soomaali ka fog .

Haddii kuwan soomaalinimo ka runtahay ,waxay dulqaad ,walaalnimo iyo wanaag kula Noolaan lahaayeen soomaalidda u dhaw laakiin soomaalinimo ayaaban ku jirin kana dhab ahayn .

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badanina waxay muujinayaan madhnaanshaha soomaalinimadda maanta.

W/Q: Axmed Nuur Guruje.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top