(SLT-Israa’iil)-Baarlamanka Israel ayaa maanta ansixiyey sharci muran badan dhaliyey oo dhigaya in kaliya dadka Yahuudda ee Israel ay leeyihiin xuquuqda go’aan ka gaaris ee dalka, islamarkaana dhiiri-gelinaya deegaanada Yahuudda.
Shircigan ayaa lagu ansixiyey codad ah 62-55 kadib sideed saac oo dood xooggan iyo cambaareyn ah, gaar ahaan xubnaha carabta ee ku jira baarlamanka.