Connect with us

somalilandtoday.com

Hindiya: 17 Nin Oo Lagu Soo Oogay Kufsi Ay U Geysteen Gabar Yadh Oo 11 Jir Ah

focus

Hindiya: 17 Nin Oo Lagu Soo Oogay Kufsi Ay U Geysteen Gabar Yadh Oo 11 Jir Ah

(SLT-Hindiya)-17 nin oo u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan kufsi wadareed ay gabar yar oo 11 jir ah ugu geysteen gobolka Chennai.

Booliska ayaa waxay sheegeen in gabadha yar horraanti sanadkan kufsi loo geystay.

Dambiilaha ugu weyn ee dambiga kufsiga ka dambeeyey ayaa wuxuu yahay nin wiishka guriga ay gabadha qoyskeeda dagganaa ka shaqeynayey.

Gabadha kufsiga loo gesteyna marka uu daroogo ku muday ninka dambigan ka dambeeyey uu gabadha kufsaday ayuu ku casuumay saaxibbadii si ay gabadha kufsi kale ugu sameeyaan.

Boolsiakana waxay soo qabqabteen dad lala xidhiidhiyey iney falkaasi ku lug leeyihiin.

Dalka Hindiya ayaa wuxuu la kulmaa falal kufsi oo noocaan ah oo ay marar badan ka caroodeen shacabka dalkaasi oo dibad baxyo badanna laga sameeyey.

Maxkamadda ku taallo Chennai ayaa Talaadadi laga furay dacwadda 17-ka nin ee lala xidhiidhiyey falkaasi iney ka dambeeyeen, raggaasi oo ay ka mid ahayeen xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo farsama yaqaanno kale iyada oo maxakamadda amar ku bixisay ragga aan la qaban in la soo qabti ilaa iyo july 31-keeda.

Wargeyska Hindustan Times ayaa wuxuu sheegay in ammaanka aad loo adkeeyey kaddib marki rabshado ay maxkamadda ka sameeyeen kooxa ka soo horjeedo dacwadda raggan lagu soo oogay.

Muuqaal laga duubay nin khamreysan oo ay booliska garaacayaan oo diiday inuu amarka askarta qaato oo baraha bulshada laga sii daayey ayaa wuxuu abuuray cadho aad u weyn.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Madras Mohana Kirshana ayaa wuxuu sheegay iney ay qareennadu diideen iney u doodaan kiiska raggan la soo dacweeyey.

Raggan ayaa waxaa la soo xiray kaddib marki ay qoyska gabadha ay u soo dacwoodeen saldhigga looga tala galay in lagu qabto cabshooyinka dumarka la xidhiidha oo ku yaalla Vepery.

Booliskuna waxay intaa ku dareen in gabadha dhibaatooyinka la sheegay in loo geystay la xaqiijiyey dadki ku lug lahaa afar ka mid ahan ay qirteen iney falkaasi geysteen.

Gabadha yar 11 jirka ee kufsiga loo geystay waxaa loo gudbiyey isbitaalka dowladda si baaritaan caafimaad looga soo sameeyo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top