Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

focus

Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

(SLT-Cape Town)-Budhcad hubeysan ayaa deegan ku dhow magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaali ah, xilli uu ku sugnaa xaruntiisa ganacsiga.

Side ay sheegeen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ka dhowaa, muwaadinkaan ayaa isaga oo banaanka dukaankiisa ku sugan waxaa soo weeraray dhowr nin oo burcad ah, kadibna waxay ku fureen rasaas.

Muwaadinka la diley ayaa lagu magacaabaa Cabdi Muxudiin Jimcaale, waxaana meydkiisa qaaday ciidamada Booliiska.

Koonfur Afrika ayaa sidan oo kale waxaa bishii tagtay loogu diley Labo muwaadin Soomaaliyeed, kuwaasi oo ganacsi ku lahaa dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top