Connect with us

somalilandtoday.com

Baadhitaan DNA Oo Lagu Ogaaday Dil La Geystay 30 Sanno Ka Hor

focus

Baadhitaan DNA Oo Lagu Ogaaday Dil La Geystay 30 Sanno Ka Hor

(SLT-Indiana)-Nin 30 sano ka hor gabadh sideed sano jir ah ku dilay gobolka Indiana ee Maraykanka, ayaa lagu helay cadaymo la xiriira hiddo-sidehiisa.

John D Miller, oo 59 sano jir ah, ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ku taal Fort Wayne, Indiana, kaddib markii lagu eedeeyey falal la xiriira kufsi, dil iyo inuu ka dambeeyey dilka loo gaystay April Tinsley.

Booliska ayaa hiddo-sidehiisa la barbar dhigay dhacaan laga heley cinjirka galmada oo uu gabadha yar u isticmaalay.

Ninkan ayaa la sheegay inuu qirtay dembiga. Waxaana la sheegay inuu sidoo kale u hanjabay gabdho badan.

Wuxu hadda ninkan ku xayiranyahay xabsiga ,asagoo wajahaya dembi ah inuu fara-xumeeyey ilmo yar uuna gaystay dil.

John D MillerLahaanshaha sawirkaCBS NEWS/WANEImage captionJohn D Miller

Booliska ayuu u sheegay inuu meydka gabadha banaanka ku tuuray maalin kaddib markii uu dilay.

Garsooraha ayaa weydiiyey inuu qirsan yahay inuu dembiga geystay, wuxuuna ku jawaabay “haa” kaddibna waa uu aamusay sida CBS News ku warrantay.

Dilka

Waxa la aftuubtay gabadhan bishii April 1988, iyadoo u socota guriga saaxiibteed.

Saddex maalmood kaddib , meydkeeda ayaa laga helay meel 32km u jirta guriga.

Booliska ayaa horay ugu guul daraystay baaritanno ay ku sameeyeen ninkan.

.Lahaanshaha sawirkaFBI

Dilka loo geystay gabadhan ayaa ka yaabisay dadka ku nool gobolkaasi.

Ninkan dilka gaystay ayaa 2004-kii bilaabay inuu farriimo naxdin leh u diro gabdhaha ay da’doodu yartahay ee ku nool xaafada Fort Wayne.

Farriimaha uu ninkan gabdhaha u diri jiray ayaa waxa ay u qornayeen sidan “seetahay gacaliso? wax badan ayaan ku arkay waxana ahay qofkii afduubtay April Tinsley, waxaadna tahay qofka ku xiga”

FariimahaLahaanshaha sawirkaFBIImage captionFariimaha

Baaritan

Booliska ayaa is barbar dhigay dhacaan laga helay cinjirka galmada, waxayna cadeeyeen in falkaasi uu ka dambeeyey ninkan.

Waxaa booliska u suurta gashay inay helaan laba nin oo walaalo ah oo lagu tuhunsanaa inay ka dambeyeen dembigan, iyagoo isticmaalaya xogta kaydka ee shacabka oo horay booliska California ooga caawisay inay helan nin caan ahaa.

Kaddib markii ay booliska heleen warbixantan waxay bilaabeen inay kormeer ku sameeyaan John Miller.

Waxay booqdeen gurigiisa, waxaana u suura gashay inay hiddo-sedahiisa ka heleen saddex cinjirka galmada ah oo qashinka lagu tuuray.

Baaritanka ayaana lagu ogaaday inay isyeesheen hiddo-sedahiisa iyo kuwii horay shaybaarka loogu keydinaayey.

Booliska ayaa ninkan soo qabatay 15 bisha July.

Markii la weydiiyey waxa ay boolisku doonayaan , waxa uu ku jawaabay :”April Tinsley.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top