Connect with us

somalilandtoday.com

Magaalada Henley Ee Dalka Ingiriiska Oo Dhaqaale Loogu Ururinayo Awdal

focus

Magaalada Henley Ee Dalka Ingiriiska Oo Dhaqaale Loogu Ururinayo Awdal

(SLT-Hargeysa)-Boqolaal qof ayaa ka qaybgalaya toddobadkan xaflad sannadle ah ee lagaga hadlo iskaashiga magaalada Henley ee dalka Ingiriiska iyo Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo hore loo mataaneeyey.

Siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, War uu daabacay shalay wargeys ka soo baxa magaalada Henley ee UK, ayaa lagu sheegay in shirka sannadkan dhaqaale loogu ururin doono gobolka Awdal oo ay Bishii May ee la soo dhaafay ku dhufatay duufaantii Sagar, taasi oo ay ku dhinteen 60 qof, halka ay kumanaan qoysna ku barokaceen roobkii dabaysha lahaa isla markaana ku caydhoobeen.

Warku wuxuu intaas ku daray in masuuliyiin iyo waxgarad ka socda Boorame ay booqan doonaan magaalada Henley, si ay halkaas ugu soo bandhigaan dhaqanka iyo suugaanta Somaliland.

Wargeysku wuxuu weriyey in kulankan lagu wado in lagu ururiyo dhaqaale mucaawimo ah oo lagu qadaray laba ilaa shan milyan oo doolar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top