Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Miyay Ka Daashay Madax-bannaanidii Ay U Halgamaysa??

focus

Somaliland Miyay Ka Daashay Madax-bannaanidii Ay U Halgamaysa??

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Brussels ee dalka Belgium waxa ka furmay shirka caalamiga ah ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkan oo socon-doona labada maalmod ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa arrimaha Siyasadda,Doorashooyinka Amniga iyo Dhaqaalaha.

Xubno Somaliland matalayaan oo uu ka mid yihiin Guddoomiye xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay gacansaar iyo xidhiidh dhaw oo siyaasadeed leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay ka qayb-galayaan shirkan ka furmay Magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirka Brussels oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda Soomaalida sida Madaxweyne Farmaajo, madaxda maamul gobolleedyada, Wasiirrada, xubno ka socda Ururada bulshada, xubnaha beesha caalamka iyo wakiiladooda Soomaaliya u jooga.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu ka qayb-galayo shirkan waxaanu yidhi “Waxaan halkan u nimid maadaama looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, waxaan dooneynaa inaan Cadaadis saarno in heshiiskii la galay ee Soomaaliya iyo Somalilnad aan la carqaladeynin wixii horumar ah” ayuu Faysal Cali Waraabe.

Warar hoose oo ay warbaahintu helayso ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay shiran u dirtay Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galaydh si ay uga war hayaan lacagta deeqda ah ee ay beesha Caalamku ugu deeqday Soomaaliya iyo qaybta ay Somaliland ku leedahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in shirka Brussels u gaar u yahay dawladda Soomaaliya ee maamul gobolleedyadeeda lana mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe waxaanu u dhignaa warkan sidan “Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.” sidaa ayaa lagu yidhi war ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Haddaba dadka siyaasadda fallan-qeeya ayaa baraha bulshadu ku kulanto waxa ay isku weydiinayeen su’aallo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Faysal Cali Waraabe yuu shirkan ku matelayaa?, Sidee ayuu Faysal ku dhex fadhiisanayaa shir uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo?, Madax-bannaanida iyo qaranimada Somaliland dhaawac intee leeg ayaa ka soo gaadhi doonaa? Iyada oo dad badan aaminsan yihiin in Faysal Cali Waraabe yahay qofka ugu dhaw Madaxweyne Muuse Biixi ayaa haddana waxa lays weydiinaya mawqifka Madaxweynaha ee ka qayb-galka shirkan dhaawacaya Madax-bannaanida Somaliland?

Ugu dambeyntii waxa la wada sugayaa tallaabada ay xukuumadda Somaliland ka qaado cid kasta oo shirkan ka qayb-gasha iyada ku matelaysa Somaliland isla markaa dhex fadhiisata maamulada Soomaaliya.

W/Q Hamse Mohamed Iman

Hmzeiiman123@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top