Connect with us

somalilandtoday.com

Mushariixinta Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Laga Mamnuucay In Ay Isku-Sawiraan Ciidamada Ku Sugan Aagga Tuke-raq

focus

Mushariixinta Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Laga Mamnuucay In Ay Isku-Sawiraan Ciidamada Ku Sugan Aagga Tuke-raq

(SLT-Garoowe)-Taliyaha Guud ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray Go’aan ka dhan ah Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ee Sanada 2019 ee tegaya Furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool.

Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda.
Maalin ka hor ayaa waxaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool gaadhey mid ka mid ah musharixiinta Madaxweynenimada Puntland, isla markaana xilli uu shidaak ciidamada ugu deeqayey uu isku-sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere.

“Musharxiinta ayaa booqan kara furumaha dagaalka, isal markaana wax allaala iyo wixii ay doonaan ayay geyn karan balse waa mamnuuc in la’isku-sawiro, iyada oo lacago iyo waxyaabo kale loogu deeqayo ayuu yidhi taliyaha.
Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa weli isku-horfadhiya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidammada qaranka soomaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top