Connect with us

somalilandtoday.com

Qaraxyo Lagu Le’day Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

focus

Qaraxyo Lagu Le’day Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

(SLT-Pakistan)-Qarax miidaamo ah oo lala beegsaday fagaare loogu soo baxay olole doorasho oo ku yaal Pakistan ayaa waxa lagu dilay ugu yaraan boqol iyo labaatan qof. In ka badan boqol kalena way ku dhaawacmeen, waxaanu qaraxaasi ka dhacay gobolka koonfur galbeed ku yaal ee Balochistan.

Weerarkan oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Pakistan muddo sannad iyo dheeraad ah, ayaa waxa lala beegsaday fagaare uu ka ololaynayey siyaasi gobolkaas ka soo jeeda oo qudhiisuna ku dhintay.

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay in ay iyadu qaraxaa ka dambaysay.

Mar sii horaysayna afar qof ayaa ku dhintay qarax kale oo ka dhacay magaalada woqooyiga ku taal ee Bannu halkaas oo iyadna uu ka socday olole uu waday siyaasi kale.

Laba maalmood ka hor ayaa iyadna kooxda Taliban ee Pakistan waxa qiratay in ay iyadu masuul ka ahayd qarax miidaame ah oo ka dhacay fagaare olole doorasho ka socday oo ku yaal magaalada Peshawar oo ay ku dhinteen labaatan qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top