Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Brussels

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Brussels

(SLT-Brussels)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo iyo wefti oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabixaya magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Magaaladaas ayaa waxaa ka furmi doona shir ballaaran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeybgalaya maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha Soomaaaliya, dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, howlgalka AMISOM iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, ajendaha shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dagaallada Tukarraq iyo sida xal looga gaadhi karo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top