Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Kenya Oo Toddobo Bilood Gudahood Isku Shaandheyn Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Wali Ku Dhiiran Waayay In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Oo Saluug Weyn Laga Muujiyay

focus

Madaxweynaha Kenya Oo Toddobo Bilood Gudahood Isku Shaandheyn Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Wali Ku Dhiiran Waayay In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Oo Saluug Weyn Laga Muujiyay

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumadiisa toddobo bilood kadib waxana uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed.

Hase yeeshee Madaxweynaha Kenya ayaa u magacaabay Mr Aadan Maxamed Wasiirka wasaarada Horaminta Gobolada iyo Arrimaha Afrikada Bari.

Peter Munye ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha iyadoo Wasaaradaasna ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan ee dalka Kenya.

Mr Aadan Maxamed Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Kenya ayaa dhowaan ka horyimid eedeymo loo jeediyay kadib markii sokor dhacday lagu arkay gudaha dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale waxa uu magacaabay sagaal safiir kuwaasoo labo ka mid ah loo magacaabay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka.

Sidoo kale waxaa xilalkooda dib loogu celiyay qaar ka mid ah xoghayaasha joogtada ah ee wasaaradaha dalka Kenya kuwaasoo shaqo joojin uu hore ugu sameeyay madaxweyne Kenyatta.

Ku xigeenka Afhayeenka madaxtoyada Kenya Kanze Dena ayaa sheegay in go’aanka isku shaandheynta ay tahay mid dib loogu habeynayo dowlada Kenya si loo dadajiyo in la gaaro hadafka xukuumada Kenya.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaan wali ku dhiiran in uu isku shaandhayn ku sameeyo xukuumaddiisa oo saluug badan laga muujiyay iyada marar badan ay dibadda u soo baxday in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu damacsan yahay in uu isku shaandhayn ku samaynayo xukuumaddiisa hadda wali may suuro-galin.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) ayaa saluug weyn ka muujiyay xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu sheegay in Madaxweynaha ay kula xisaabtami doonaan barnaamijkii ay oloha ku galeen.

Somalilandtoday/Nairobi/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top