Connect with us

somalilandtoday.com

Habka Saami Qaybsiga Somaliland,Waa Geela Maalintii Raac Maqribkiyo Habeenkana Aan kugu Ag-maalee Ha Magaabin Caanaha.

Articles

Habka Saami Qaybsiga Somaliland,Waa Geela Maalintii Raac Maqribkiyo Habeenkana Aan kugu Ag-maalee Ha Magaabin Caanaha.

Somaliland oo gobanimadda ka qaadatay ingiriiska 26/june/1960-kii markii ay sida shuruud la’aanta ah ula midowday 1/july/1960-kii koonfurta somaliya oo iyaduna gobanimadda ka qaadatay talyaanigii 1/july/1960-kii,saami qaybsigii dawladdaa lagu soo dhisay muu ahayn mid cadaalad ah,waayo? Madaxweynihii,Ra’iisal Wasaarihii,taliyayaashii ciimadda oo dhan,sida Milateriga,booliska,sirdoonka iyo taliyayaashii ciidamadda badda iyo cirka xubnihii ugu muhiimsanaa golihii wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasaaradihii Arrimaha gudaha,Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda. dhamaantoodba waxa qaatay koonfurta Somaliya.

Haddaba,aqoonyahankii siyaasiyiintii iyo saraakiishii ciidamada gaar ahaanna kuwii milaterigu markii ay arkeen sida uu xaalku yahay,waxay isku dayeen afganbi milateri oo uu hogaaminayey Alla ha u naxariistee Col Xasan Cabdulle Walan wal (Xasan Kayd),iyo 17 sarkaal oo uu

ka mid ahaa ayaa 10/12/1961-kii afganbi milateri ka dhigay Magaaladda Hargeysa,hase yeeshee afganbigaasi wuu fashilmay,mudadaasi intii ka danbeysayna waxa isa soo tarayey cadaalad daradii halkaasi ka bilaabatay,oo sababtay in magaaladda London lagaga dhawaaqo ururkii SNM 6/4/1981-kii.
Haddaba,saaxiibayaal Somaliland hadii ay diiday cadaalad daradii ay kala kulantay Somaliya ee dhinacyadda badan taabanaysay ee saami qaybsiguna uu ka kow ahaa, miyey habaan tahay in habka saami qaybsiga ee dawladda Somaliland ku dhisan tahay uu noqdo mid dhinac ka raran?

Akhristoow ma doonayo in aan ku sheego waxaanad ogeyn? Ee bal waxaad ila eegtaa masuuliyiinta xilalka u haya qaranka Somaliland goboladda iyo beelaha ay ka soo kala sheedaan,waxa hubaal ah,in aad adiguba shaki la’aan isku qancin doonto cadaalad daradda ka jirta habka saami qaybsiga ee dawladda Somaliland.

Haddaba,isku soo wada duuboo Habka Saami Qaybsiga Somaliland,Waa Geela Maalintii Raac Maqribkiyo Habeenkana Aan kugu Ag-maalee Ha Magaabin Caanaha.

Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi786@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top