Connect with us

somalilandtoday.com

Duuliye Khatar Galiyey Dayaaraddii Uu Waday Ka Dib Markii Uu Sigaar Ku Dhex Cabay

focus

Duuliye Khatar Galiyey Dayaaraddii Uu Waday Ka Dib Markii Uu Sigaar Ku Dhex Cabay

(SLT-Hong Kong)-Duuliyaha labaad ee dayaarad ay leedahay shirkadda Air China ayaa sababay in dayaaraddu ay si degdeg ah hoos ugu soo dhaadhacdo sida ay baarayaashu sheegeen.

Waxay sheegeen in inuu isku dayayey inuu qariyo sigaarka elektroonigga ah oo uu cabayey, isagoo si aan ku talagal ahayn u damiyey qaboojiyeyaasha dayaaradda, waxayna taasi keentay in heerka ogsijiinka uu hoos u dhaco.

Shaqaalaha saarnaa duullimaadkaas ka yimid Hong Kong ee ku sii jeeday Dalian ayaa sii daayey qalabka wajiga lagu xirto ee ogsijiinka laga neefsado, waxaana dayaaradda hoos loo soo daadejiyey 6,500 mitir (21000 oo cagood).

Goor dambe ayey ku laabatay jooggii ay ku duulaysay.

Baaritaan ay samaysay hay’adda Shiinaha u qaabilsan duullimaadyada rayidka ayaa muujiyey in duuliyaha labaad uu doonayey inuu damiyo marwaxadda gudaha ee qaabilsan wareegga hawada, si uusan urka sigaarku u gaarin rakaabka, isagoo aan arrintaana u sheegin kabtanka, laakinse taa beddelkeedii uu damiyey qaboojiyaha (mukayifka).

Rakaabka ayaa lagu wargeliyey inay suumanka dhexda ku xirtaan, ayadoo dayaaraddu ay degdeg hoos ugu dhaadhacday.

Rakaabkii oo dusha uu kaga soo dhacay qalabka lagu neefsadoLahaanshaha sawirkaWEIBOImage captionRakaabkii oo dusha uu kaga soo dhacay qalabka lagu neefsado

Haddii dayaaradda uu ku yaraado cadaadiska hawada ee gudaha dayaaradda, duuliyeyaashu waxay degdeg ugu dhaadhacaan joog hoose.

Markii la ogaaday in mushkiladdu tahay mukayifka, ee dib loo shiday, ayey dayaaraddu jooggii caadiga ahaa dib ugu laabatay.

Maamulayaasha ayaa la sheegay inay “si faahfaahsan” u baarayaan qalabka uruuriya xogta dayaaradda, iyo kan duuba wax ka dhacaya halka dayaaradda laga hago, si si sax ah loogu ogaado sababta dhalisay shilka.

Maamulka dayaaradda wuxuu ballanqaaday inaysan dulqaad u yeelan doonin wixii dhaqan xumo ah ee lagu helo shaqaalaha.

Xeerarka duullimaadyada ee Shiinaha ayaa ka mamnuucaya wixii ka billowda 2006 shaqaalaha diyaaradaha iyo rakaabka inay sigaar ku dhex cabaan, waxayna kaloo mamnuucayaan in la istcimaalo xataa sigaarka elektroonigga ah.

Laakinse sidaasoo ay tahay waxaa jiray eedaymo la xiriiray in duuliyeyaal ay sigaar ku dhex cabeen duullimaadyo dayaarado shiinaha laga leeyahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top