Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaalka ganacsi ee udhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha waa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Articles

Dagaalka ganacsi ee udhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha waa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Ka hadalka cashuuraha la saaro alaabaha lasoo dhoofiyo waxay khatar ku tahay koritaanka xidhiidhada ganacsi ee udhexeeya wadamada wax kala iibsanaya.
Sadexdii bishii abril maraykanku waxa uu soo saaray liis ay ku jiraan 1300 oo kamid ah alaabaha shiinaha kuwaas oo ay ku soo rogeen cashuur ah 25%, maalin kadib shiinaha ayaa isaguna soo saaray liiska 106 nooc kamid ah alaabaha uu ka soo dhoofsado maraykanka. Hada xaalada maraykanka iyo shiinuhu waa arin xaasaasi ah.
Bilaha soo socda maraykanku waxa uu qaadayaa aragti-dadweyne oo ku aadan cashuuraha la saaro alaabaha loosoo dhoofiyo, shiinaha ayaa isna leh waxaan ka war sugayaa talaabada uu maraykanku qaado. Arinkooda waxa la odhan karaa waa car iyo wir, laakin waxa jira fursado ay labada dhaqaale ee aduunka ugu wayni ay kaga heshiin karaan dagaalkan ganacsi ee udhexeeya labadooda.
23kii bishii maarij, Maraykanku waxa uu kusoo rogay cashuur dheeraad ah laba alaabood oo uu kazoo dhooofsado wadamo uu kamid yahay Shiinaha, alaabahaas oo kala ah xadiidka iyo almuuniyamka, arintanina waxa si degdeg ah uga jawaabay Shiinaha kaas oo cashuur udhiganta 3 bilyan oo doolar saaray alaabta uu maraykanka kasoo dhoofsado.
Alaabaha uu Shiinuhu cashuurta saaray waxa kamid ahaa alaabaha Elektaroonikiska ah.
Labada wadanba waxa ay hawl galiyeen khubaro iyo Taariikhyahano kasoo tala bixiya alaabaha saamaynta ugu badani ay ku iman doonto iyo wadanka ku guulaysan doona gebo-gebada arintan.

Waa maxay dagaal ganacsi?
Dagaalka ganacsi waa marka uu wadan ku kordhiyo cashuur alaabaha uu soo dhoofsado wadamada kalena ay kaga jawaab celiyaan arin tan oo kale ah iyaguna cashuurta ay ku kordhiyaan alaabaha ay soo dhoofsadaan. Dagaalkani waxa uu si toos ah u saameeyaa ganacsiga caalamiga ah maadaama aanu jirin wadan kaligii isku filnaan kara.
Ilaahay (swt) markuu dunidan abuurayay khayraadka dhulka wuu ku kala badiyay oo melba khayraad gooni ah ayaa yeela, tanina waxa ay fursad u noqotay in ay dawladuhu wada shaqeeyaan oo ay isku baahdaan.
Inta badana dagaalada ganacsi waxa ay bilaabmaan marka uu wadan doonayo inuu shirkadaha wadankiisa horumariyo oo uu ka xidho alaabaha dibada kaga yimaada, si uu muwaadiniintiisa shaqo abuur uu ugu helo. Arintanina way shaqayn kartaa wakhti gaaban laakiin wakhtiga dheer ma anfici karto isla wadanka gudihiisa sababo badan oo jira awgood oo aynu ka sheegi karno in shirkadaha wadanka gudihiisa ee fursadaas lasiiyay ay ka tayo yaraadaan wadamadii ganacsigooda laga xidhay.
Dagaalka ganacsi waxa uu dhimaa xadiga shaqaalaha sidoo kalena wuxuu hoos udhigaa xawligii koboca dhaqaalaha ee wadamada ku lugta yeesha dagaalka ganacsi.
Sicir-bararkuna wuu soo wajahaa wadamadaas sababta oo ah cashuuraha la kordhiyay kaliya qiimaha alaabada ayuun baa lagu daraa taas oo keenta in ay alaabtii qaaliyawdo.
Saamaynta ka dhalan karta dagaalkan ganacsi
Dhawaan cashuurta uu maraykanku ku kordhiyay alaabaha uga yimaada ruusha waxa laga yaabaa in aanuu saamayn wayn ku yeelan macaamiisha laakiin saamaynta ugu badani waxa ay soo gaadhi doontaa ganacsatada. Laakiin waxa aanu shaki ku jirin in uu dagaalkani saamayn aan toos ahayn uu ku yeelan doono macaamiisha ama dadka shacabka ah. Saamayntaasina waxa ay ka iman doonto lacagtii waxsoo saarka shirkadaha oo qaaliyoobaya taasina ay keeni doonto in ay shirkaduhu qaaliyeeyaan alaabaha ay iibinayaan.
Dhinaca Shiinaha cashuuraha uu kusoo rogay alaabaha maraykanka uga yimaada waxa ay saameeyeen shirkadaha soo saara diyaaradaha, Baabuurta iyo kiimikallada.
Intaas kadib waxa jira hanjabaado kale oo ka imanaya dhinaca madaxweynaha maraykanka kuwaas oo sheegaya inuu kordhin doono cashuuro kale oo qiimahoodu yahay 100 bilyan oo doolar.
Cashuuraha ay imika labada wadan isku soo rogeen waxa ay dhan tahay 50 bilyan oo doolar oo alaaabaha ay isku dhoofiyaan ay dul saareen. Lacagtani xadi ahaan waxa ay udhigantaa 0.1% kamid ah dhaqaalaha maraykanka ama Shiinaha. Tani waxa ay ku tusinaysaa in labada wadanba wali aanay saamayn wayn oo la sheegi karo aanay ku lahayn maadaama dhaqaalahooda 0.1% uu ka yahay.
Yaa ku faa’idi doona hadii uu dhaco dagaal ganacsi?
Jawaabta su’aashani waxa ay u baahan tahay in si wayn looga baaraan dago, laakiin dhaqaalayahadu waxa ay sheegayaan hadii dagaalkaas ganacsi uu dhaco in wadanka Shiinuhu uu yahay wadanka faa’idada ugu badan ka heli lahaa, waxaanuu cashuuraha ku kordhinayaa shirkadaha muwaadiniinta maraykanku ku leeyihiin Shiinaha, amaba shirkadaha maraykanka ee sida aadka ah ugu tiirsan alaabaha uga yimaada Shiinaha.
Maadaama arintani saamayn badan ku yeelanayso shirkadaha waaweyn ee maraykanka arinku wuxu noqonayaa in shirkadahaasi ay maraykanka ku qanciyaan inuu khafiifiyo cashuurahaas uu kordhiyay.
Markaas dagaalkani sidaas aynu sheegnay saamaynta ugu badan shirkadahaas ayuu ku yeelanayaa iyo ganacsatadooda laakiinse guud ahaan saamayn badan kuma yeelan doono wadanka maraykanka.
Laakiin laga yaabaa in hadii uu dagaalkani sii socdo ay saamayn badan ku yeelan doonto labada wadanba maadaama sanadkan 2018ka oo kaliya ay cashuurihii kordhiyeen 15-25%. Hadii ay sidan kusii socoto saadaal la sameeyay muddo sadex sanno ah waxa ay dhaqaalaha maraykanka hoos udhac ku keeni kartaa 1% ilaa 1.5%, halka ay wadanka shiinahana saamayntiisu noqon doonto 1.5% ilaa 2%.
Dagaalkan ganacsi ee udhexeeya wadamadii dunida ugu dhaqaalaha badnaa waxa la hubaa in dhamaan dunida kalena ay saamayntani soo gaadhi doonto.
Dagaal si kasta oo uu yahay ha ahaado mid milateri ama mid ganacsi ahe, waxa taaiikhda lagu hayaa inaanuu faa’ido lahayn.
Muuse Cabdi Maxamuud
Muuze438@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top