Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaalada U Dhaxeeya Oromada Iyo Soomaalida Itoobiya Oo Deegaano Hor Leh Ku Fiday

focus

Dagaalada U Dhaxeeya Oromada Iyo Soomaalida Itoobiya Oo Deegaano Hor Leh Ku Fiday

(SLT-Kenya)-Xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa ku fidaya deegaano hor leh oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo dagaaladan dib u soo cusboonaaday ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Dagaalada ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo sheegayay deegaanada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, waxaana jiray dad Soomaali oo lagu gowracay tuulooyin dhowr ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada ay ku sii fideen deegaanada u dhow xadka Kenya, waxaana weerarada ay Oromada ku soo qaadayaan Soomaalida lagu sheegay mid dhul ballaadhsi ah.

Odayaasha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa is weydiinaya sababta xilligan uu u soo cusboonaaday dagaalka Soomaalida iyo Itoobiya, iyo ujeedka laga leeyahay, waxaana ay sheegeen in looga gol leeyahay in Soomaalida lagu barakiciyo.

Ismaamulada Soomaalida Oromada iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore isku eedeeyay in midba midka kale uu ka dambeeyo dagaalka, isla markaana ay jiraan maleeshiyaad hubeysan oo dagaalada ku lug leh.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top