Connect with us

somalilandtoday.com

Mudaaharaad Lagaga Soo horjeedo Booqashada Trump oo Ka Dhacay London.

focus

Mudaaharaad Lagaga Soo horjeedo Booqashada Trump oo Ka Dhacay London.

(SLT-London)-Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa booqashadiisi ugu horresay ee rasmi ah ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Booqashada Trump ee Britain ayaa qaadan doonta saddex maalmood, wuxuuna la kulmay ra’iisulwasaaraha Ingiriiska, Theresa May, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth.

Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweyne Trump ayaa ka dhacay magaalada London, gaar ahaan safaaradda Mareykanka, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka wadooyinka magaalada London.

Mar madaxweyne Trump wax laga weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah ayaa waxa uu sheegay in uusan wax dhib ah ku qabin arrintaasi, oo dadka Britishku ay jecelyihiin isaga.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan oo ay horay hadalo xanaf leh isu weydaarsdaeen madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay dadka dibadbaxa dhigaya inay ilaaliyaan nabadgelyada, wuxuuna intaas ku daray in dadkani aysan necbeyn shacabka Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top