Connect with us

somalilandtoday.com

Sida Qaran Lagu Dhisaa Way Adagtahay Lakiin Sida Loo Burburiya Way Fududahay

Articles

Sida Qaran Lagu Dhisaa Way Adagtahay Lakiin Sida Loo Burburiya Way Fududahay

SIda Qaran Lagu dhisaa way Adagtahay Lakiin Sida Loo Burburiya Way fududahay .


Hadii xaaladkasta Soo koradha Shacabku Aanu Laxalin Xukumada waxba uma Hagaagayan

Xukumaduna Hadanay Waxgaradka Aqoonyahanka Odayaasha Dhaqanka Culimada

Aanay markasta kala Tashan Waxgaradka Ciidii Gardaro wadana Awooda Qaranka Loo Isticmaalin Waxba Ma Hagaagayan .

Go.aan Adaygu Guul Guul daraba waa leeyahay

Hadaba Qaranka somaliland Wuxuu marxaladan ku soo gaadhay wada Tashi Ismaqal kala danbayn

Inaan Cid gaara loo Xaglin Qofkasta Qaranka somaliland ka mid inaanu ku waayin wuxuu Xaq u leeyahay Ee u helo

Talada dalka inaan Qof jeclaysi Iyo Hebal ka Riix Hebela keen Inaan Talo kuma dhisanto

Lakiin Go.aan kasta iyo dhisida xukumada wax Xaq uLeh madaxweynaha

Qaranku doortay Ee dastuurku siiye

Markaas cidii u Arko Inay Qaranka Iyo Umada dani ugu jirto Inuu Keeno.

Shacabku wuxuu xaq uleeyahay inuu dhaliisha u sheego xukumada iyo maamulkeeda Wixii Ka Xun

Lakiin Xaq Uma laha Wixii Qaranimada Somaliland ka Hor Imanaya Inuu Faafiyo

Taas Hadii Galo Waa Sax in lamariyo Xeer Ciqaabeedka Uu Galay Sharcigana la Horgeeyo Cidna looga Hamran

Shacabka wixii wax Toosinaya iyana

Lana cabudhin karin madama dalku uu dimuquradi yahay dhaliil kastaana waa Toosin

Maha Xukun diidi maamul diid

Xalkasta waxa la gaadhi kara marka marka la helo cadaalad daacadnimo

Anigu Hada waxaan u Arkaa in Soomaliland dhan Qaranka ka dhex muuqato cid gaara loo xagliyey ma Arko

Hadii ay jirto waa inuu qoflasta fikirkiisa ku cabiraa lana wadaaga shacabka somaliland

Xaalada dalka maanta Taganyahay Maha maalin Umada Reer soomaliland Colaad Ay gaalan Dhexdooda Oo Laysku Huriyo

Dad hadimo ka Talisa Oo Nabad Gur yahooda ku jiifa Maha Inay Nin Reer miyi

Ah oo dadiisuba yartahay Xumaan la galiyo Oo Laysku diro

Colaad Ceel Afweyn Maanta Cidkasta Qaranka Somaliland ka mid ahi Waa Inay Halkeed ka hawl gashaa Sidii Loo Soo Afjari Lahaa

Ka dhintaa Wuxu kaaga Beegna Cadaw Qaranimada ku Soo Duulay .

Waad Aragtaan In Maamulka PUtland habeen maalin Qaylada Ay Warbaahinta Marinayaan iyaga daan daansi Aan loo meel dayeen ku wada Xududaha Dawlada soomaliya inoo dhaxeeya

Colaadan Ceel Afweyn Cadaw Badan Ayey dhiiri galinaysaa Markaas Waxa weeye In Laga gaadho xal Waara oo dadka walaha Ah

Laysu keeno laysu dhagaysto Cidkasta ka Tirsan Aqoonyahankooda siyaasigoda Oday dhaqameed kooda Culimadooda

Maanta Aan Reer walba cid laga Tagin Ee Nabad lagu Qasbo Qaranka Iyo Shacab laga wada hawlo

Dagaal wiil kuma dhasho walalayaal Ee wiil baa ku dhinta

Madaxweynaha Qaranka Waxaan u soo jeedin lahaa .

Dadkaas cidii xidhaha u ahayd Aad Baad uga ilduufaysa Mar Badan

Labadan Beelood Waxa heshiisin kara Beelaha wada daga Gobalka Togdheer

Cuqaashoda Saladiintoda culimadooda Aqoon yaha kooda .

Lakiin Gudi somaliland nin Xidhe u maha .

Bartay xalka laga Helaya Waa Halkaas Mafaxweyne Waa Tola Ahaan

Walaha somaliland u soo Gurmaday waa midii laga fadhiyey

Umada somaliland waxay halkaas ku soo Gaadhay isu Tanasul Kala Danbayn Ixtiraan Ismaqal Wada Tashi Hawl kasta

Xalkeeda Lawada Gaadho.

Waayo Waa inaad Ku cimiri Qadataan walalaheena Somaliya waad Aragtaan dhibta haysata Nabad galyo darada

Ilahay ha ka Qaboojiye

Somaliland Nabad ku seexana ku Soo Toosna waana mid Aalle loogu mahad Naqo

By awil kabadheere

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top