Connect with us

somalilandtoday.com

Muxuu Salka Ku Haya Muranka Xajka Ee U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya

focus

Muxuu Salka Ku Haya Muranka Xajka Ee U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Maalmihii u dambeeyay waxa isa soo taraya warar ku saabsan in xujayda Somaliland iyo Somalia ee sanadkan ay carqalad kala kulmeen qorshe cusub oo Soomaaliya waddo. Xujayda ayaa ku jahwareersan hannaanka cusub waxaana laga walaacsan yahay in ay dib u dhacaan daabilida xujayda ama ay ka baaqdan sanadkan.

Sanadkii hore ayay xujayda Soomaalidu baahiyeen muuqaallo xambaarsan eedo ku saabsan in shirkaddaha ku shaqo leh xajku lacag badan ka qaadaan marka ay geeyaan xajkana ay adeeg xumo kala kulmaan meelaha la geeyo.

Xukumadda Muqdisho ayaa la sheegay in ay isku dayday in ay ka jawaabto walaaca xujayda islamarkaana hoos u dhigto qiimaha iyada oo ka dhigtay $3300 halka hore la sheegay in uu ahaa $3800 waxaanay u astaysay xujayda shirkaddo diyaaradeed oo lagu magacaabo Freedom Airlines iyo Ocean & Africa laakiin, shirkaddahan ayaan haysan fasax ay Sucuudiga ku tagaan taas oo caqabad weyn ku noqotay in ay shaqadan qabtaan.

Waxa la sheegay in wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya soo jeediyay in qorshan ilaa sanadka dambe laga shaqeeyo haddana aanu suuro gal ahayn laakiin, xukumadda Farmaajo ayaa wasiirkan shaqada ka eriday arrintaasi awgeed. Waxa loo badinaya in qorshahani fashilmo maaddaama shirkaddaha xujayda Soomaalida qaada ee Jubba iyo Daalo xujayda ka qabanayaan dhukumantiyada xajka.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay cambaaraynayay xukumadda Farmaajo oo ay sheegeen in aan la aqbali Karin faro gelinta ay ku samaysay arrimaha diiniga ah ee Xajka. Waxay sheegeen in arrinkani ku lug leeyahay siyaasad, islamarkaana loo baahan yahay xeelado lagaga hor tago laakiin, wali xukumadda Muqdisho ma sheegin mawqifkeeda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top