Connect with us

somalilandtoday.com

HABOON (MAANSO)

Articles

HABOON (MAANSO)

Akhristayaasha waxan jeclaystay inaan idinla wadaago Masafo aad u kooban oo aan ugu magac daray “HABBOON”. Maansadan waxa igu kallifay iyadoo la yaqaanay Anshaxa, edaabta, akhlaaqda, asluubta, xishoodka iyo afgaabnaanta quman ee hablaha soomaaliyeed taasoo markasta salka ku haysay diinteena suuban iyo dhaqankeena, ayaa beryahan danbe waxbadan ayaa iska bedeley, tasoo aan u aanaynaayo inay sababtay Tignoolojiyada Suuro gelisay in baro badan bulshadu wax isugu tebiso, maqal, muuqaal, iyo dhambaalna ay ku wada xidhiidhi karaan. Markaa Maansadaydani waxay ku wajahantahay habala walaalahay ah ee soomaaliyeed, ee islaamka ah, iyadoo aan u dulqaadan kari waayey markaan arkay inan islaama oo ilaahay (SWT) karaameeyey oo qurux iyo nimco oo dhan u dhamaystiray oo barahaa Bulshada ee ajnabigeedii ku jiraan soo dhigaysa: Sawir, Odhaah, ama Daawasho (Video) gebi ahaanba xaaraam ah oo aad runtii aad ula yabayso markaad akhrido, aragto ama daawato. Markaa maansadani waxay ka waaninaysaa hablahaas dhibaatada iyo halista arintaasi leedahay, waxayna u timaamaysaa hadii qurux iyo derejo sare oo qofnimo oo dhab ah la doonaayo meesha laga helaayo. Masafadan ulama jeedin Cay, Canjaraafayn, Niyadjebin iyo Yasid midna, laakiin waxay iga hayd WAANO oo keliya.

Maansadi habboon waxay leedahay:
• Hablaha soomaaliyeed
• Hubqaadiyo bilic sariyo
• Han iyo muuq fiicaniyo
• Hagoogasho qurusaniyo
• Xishood hadkastaba ahiyo
• Edaabiyo haybadiyo
• Akhlaaqiyo hadal yariyo
• Hadii samo lagu ogaa
• Habkii wuu doorsamoo
• Hilinba mudankiisi iyo
• Hanaankii diinta ee
• Inaynu ku hirano oo
• Quluubta u hayiminiyo
• Hanuunkiisa layna faray
• Hareer baa layska dhigay

• Habaab daran baa dhacoo
• Quluubtaa hiyikacdoo
• Waxaa lagu wada hadroo
• Dhammaan loo heelanyoo
• Hanqalka loo taagayoo
• Habeenkiyo maalintaba
• Dadkii wada haybiyaan
• Oo ay u arkaan horumar
• Garaad haaneedamiyo
• Hilinba kii ugu xunee
• Quruumo habaabiyee
• Hidaayada garab marshiyo
• Wixii qaar badan haligay

• Hablii aan dhalasho iyo
• Diinteena hagaagsaniyo
• Higaada afkeena iyo
• Hab-dhaca luuqdeena iyo
• Hibada dhaqankeena iyo
• Haraga midabkiisa iyo
• Hiddaaba waadaagaynoow
• Hawraar aan idin dhehee
• Aduunkan hiraaya iyo
• Hawada nafta ee guracan
• Waxay kuu hogaaminuun
• Hadh- subaxeed guurayiyo
• Habaas laga wada qaxiyo
• Goob aan hakashoba lahayn

• Habbooneey walashayeey
• Hillaaciyo nuurka iyo
• Hubaashii wanaaga iyo
• Muuqaalka habaysaniyo
• Quruxda Hodankeeda iyo
• Haleelida guusha iyo
• Danaha lagu hawlanyiyo
• Nolosha heerkeeda sare
• Keliya waxa lagu helaa
• Hab-dhaqanka wanaagsaniyo
• Diintoo loo hagar baxiyo
• Hoodooy labiskii asturan

• Cibaadooy habarwadaag
• Hadaad aragtaan Haween
• Shaydaan uu heerayoo
• Adduun hoosaasiyoo
• Hu’gii lagu waajibshiyo
• Haleeyey dharkoodiyoo
• Dhulkaa heed-heetiyoo
• Nolosha heehaab kujira
• Haw qaadanin ilbaxnimiyo
• Dad heer sare gaadhay ee
• Dhimbiilo hulaaqayiyo
• Haab naroo qiiqaysiyo
• Waxaa ku habsani ciqaab
• Markaasay hantaataciyo
• Hiif iyo haraamid iyo
• Waa lay gacan haadiyiyo
• Hadaan wax ogaadayiyo
• Hadalo badan ay dudubin

• Eebboow na hanuuniyoo
• Himilo guul laga dhaxliyo
• Na solonsii Hilaadintiyo
• Hurinta waxa fiicaniyo
• Hor-joogsiga xumaha iyo
• Hogaansamid badhax la’ oo
• Jannada noo horseedi kara.

Bashiir Mohamed Mohamoud.

https://www.facebook.com/bashir.m.mohamoud

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top