Connect with us

somalilandtoday.com

Gurmadkii Xawayaanka, W/Q: Cali Cabdi Coomay

Articles

Gurmadkii Xawayaanka, W/Q: Cali Cabdi Coomay

Xawayaanka Eebe koonka ku abuuray waxa ay u kala baxaan laba qaybood: (1) Qaybta dabjoog ah, oo ah nimcoolayda la dhaqdo. (2) Qaybta duurjoogta ah, oo ah ta ayga ku nool. Seben hore waxa la sheegay inay xoolaha dabjoogta ah masiibo ku habsatay sida noolaha kaleba ay ugu dhacdo. Dabadeed dhibaatadaa soo foodsaartay si ya uga samatabaxaan, waxa ay gargaar iyo gurmad weydiisteen walaalahood ay isku haybta yihiin ee ay wadaagaan afarta lugood. Gurmadkii iyo gargaarkii duurjoogtu u fidisay dabjoogtu wuxuu u dhacay sidan:

Libaax: oo ah boqoorka duurjoogtu wuxuu yidhi waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Geela
Shabeel: oo ka

mid ah kuwa ugu orodka dheer afar lugoodlaha, wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta oo waayadii hore ka tirsanayd xawayaanka dabjoogta ah.
Waraabe: wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Lo’da
Hadhimacad: wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Riyaha
Dacawo: waxa ay tidhi, waxa aan madax ka ahayd hayadda daryeelka iyo horumarinta Idaha
Guduudane: wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Maqasha
Xoor (dabacadde): wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Digaaga
Doofaar: wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Beeraha
Bisad-Duur: waxa ay tidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta shimbiraha
Aboor: wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Looxa
Camadh: wuxuu yidhi, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Hargaha iyo Saamaha
Go’aankii xawayaanku wuxuu noqday mid xawayaannimo, oo halkii cabashada dabjoogta ay waxa ka qaban lahaayeen, waxa ay kala qaybsadeen quudashada intii hadhay, taasina waxa ay la mid tahay Hayadaha samafalka ee uu soo gurmada meelaha ay ka dhacaan macaluushu, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay. Hay’adahaasi waxa ay shaqeeyaan qaab dillaalnimo, oo halkii ay macaluusha ka dawayn lahaayeen ayey mucaawimada loo soo dhiibay waxna bangiyada adduunka dhigtaan, waxna si fool xun ugu tamashleeyaan hudheelada Kiiniya.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

C/qadir Aroma AHN……………..Tiirka Colaadda (2005)

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top