Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Shuruudo Adag Dul Dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha

focus

Soomaaliya Oo Shuruudo Adag Dul Dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqao gali garin Garoonka Diyaaraha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada oo ay wehliyaan maareeyeyaasha Garoonka.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo igmaday.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top