Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidda Somaliland Oo Lagu Soo Shay Baadhayo Waddanka Jarmalka

focus

Ciidda Somaliland Oo Lagu Soo Shay Baadhayo Waddanka Jarmalka

(SLT-Hargeysa)-Wasiirro ka tirsan xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Carro laga qaaday degaanno kala duwan oo Somaliland ah lagu soo baadhayo shay baadh ku yaalla dalka Jarmalka si loo ogaado tayadeeda. Waxay sheegeen in ay hawsha qabanayaan maalgashadeyaal danaynaya in ay Somaliland maalgalin ka sameeyaan.

Wasiirka maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, wasiirka degaanka Shugri Xaaji Baandare iyo maalgashadeyaal ajaanib ah ayaa soo qaaday ciidda sida uu sheegay wasiirka maalgashigu.

Ciidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay Baadhayo

Ciidda Somaliland Oo Jarmalka Lagu Shay Baadhayo

“Maanta waxaan aniga iyo wasiirka Deeganku kaxaynay Maalgashadeyaal ajaanib ah oo danaynaya inay maalgashadaan dalka, ciid ama carro degaano kala duwan ah baan soo qaadnay, Ciidaas waxaa lagu soo baadhi doona LAB ku yaal dalka jarmalka si loo ogaado tayada ciideena,” Sidaas ayuu boggiisa Twitterka ku qoray wasiirka maalgashiga laakiin, ma sheegeen nooca maalgashi ee ajaanibku samaynayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top