Connect with us

somalilandtoday.com

Akhri: 3 Qodob Oo Ay Ka Wada-Hadleen Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

focus

Akhri: 3 Qodob Oo Ay Ka Wada-Hadleen Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

(SLT-Hargeysa)-Kulan la sheegay in uu codsaday madaxweynaha Somaliland ayaa 10kii bishan July waxaa uu dhex maray Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka dhex maray madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa oo ka qabsoomay guriga madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagaga wada hadlay saddex qodob oo kala ah;

1- Madaxweynaha ayaa Siyaasi Buubaa ka codsaday in uu kala shaqeeyo xidhiidhka Itoobiya iyo is-badallada cusub ee ka curtay mandaqadda Geeska Afrika.

2- Xiisadda Tukaraq iyo Arrimaha beesha caalamka sidii loo darsi lahaa

3- Shirkii dhawaan Buurta Gacan-libaax ugu soo dhamaaday beesha Garxajis, iyadoo Buubaa uu madaxweynaha u sheegay in uu la qabo beeshiisa qodobadii kasoo baxay shirkaasi isla markaana wixii ku saabsan shirkaasi uu kala hadli karo guddida beesha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top